AGAASIMAHA GUUD EE BAANKA DHEXE IYO TACSIDA MARXUUM C/RAHMAN CALI BOOTAAN

.

Anigoo ku hadlaaya magaceyga, ka xaaskeyga, iyo ka reer Cabdi Carwo waxaan tacsi u dirayaa reer Bootaan Cabdi, geerida naxdinta badan ee ku timid marxuum Cabdiraxman Cali Bootaan oo India ku geeriyooday. Waxaan si gaar ah la qaybsanayaa tiiraanyada iyo ducada reer Cali Bootaan iyo xaaskii marxuumka iyo ubadkisa. Alle ha u naxariisto qabriga ha u nuuro hana uga dhigo beer ka mid ah kuwa Fardawsta sare. Ehel iyo asxaabna ha waafajiyo samir iyo duco. Cabdiraxmaan waxuu ahaa nin qalbi wacan, bulshaawi furfuran, kaftan yaqaan meesha uu joogo loo dheg taago, salaad sax naxariis badan. Waxuu ahaa biriij ka mid ah kuwa isku xidha labada daamood ee Hargeysa kuna caan ah Hargeysa daraf ilaa daraf, galbeed ilaa bari, waqooyi ilaa koonfur. 

Inaa lilaa wa inaa ileyhi raajicuun.

Axmed Xasan Carwo

Agaasimaha Guud 

Baanka Dhexe ee JSL 

aharwo@gmail.com 

Advertisement

Ku Xayeysiiso