Madaxweyne Farmaajo oo Berrito u safraya Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu Berrito oo jimaca ah u ambabaxo Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee Dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kaga qayb geli doona Shir Saddex geesood ah oo uu halkaasi kula yeelanayo Ra’aysul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki, sida uu Warbaahinta  u sheegay , Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Warbaahinta, Madaxtooyada Soomaaliya, Abdinur Maxamed Axmed.

Kulankan ayaa waxa uu isku xidhayaa natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea Laba Bilood ka hor.

Advertisement

Ku Xayeysiiso