Xukuumadda Somaliland oo u Jawaabtay Xisbiyada Mucaaradka ah oo Siyaasadeeyey Dacwada Laba Telefishan

 

Hargeysa(ToggaHerer)- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadal ka soo yeedhay xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID oo siyaasadeeyey eedaha loo soo jeediyey Telefishannada SAAB TV iyo STAR TV, oo ku eedaysan inay faafiyeen war xadgudub ku ah qaranimada JSL.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed  uu soo saaray kuna saxeexan yahay La-taliyaha Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi), ayaa u dhignaa sidan:-

“Ma Jirto wax cabudhin ah oo Wasaaradda Warfaafintu ku hagaasinayso Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland oo aanu u aragno tiir jiritaankiisu muhiim u yahay dimuqraadiyadda iyo dowladnimada Somaliland, hase ahaatee waxa looga fadhiyaa warbaahinta inay dabbaqdo xeerarka iyo shuruucda dalka isla markaana ka dhawrsato wixii dhaawacaya qaranimada JSL.

Sida uu dhigayo xeerka Saxaafadda Somaliland, Xeer NO. 27/2004, waxa warbaahinta xaaraan ka ah in ay baahiso warar ku lug leh arrimaha ciidammada iyo sidoo kale kuwa been abuurka ah, sidaas awgeed, waxa wasaaraddu soo saartay 30/9/2018 qoraal warbaahinta looga digay baahinta wararka lafjabka ku ah qaranimada JSL, iyadoo aanu ku ammaanayno in Saxaafadda inteeda badani ay xushmeeyeen qaraarkii wasaaradda.

Labada Telefishan ee SAAB TV iyo STAR TV, waxay si anshaxa saxaafadda ka baxsan u buunbuuniyeen kooxda Caarre, waxaanay si jar iska xoornimo ah u dhex galeen arrimaha ciidammada qaranka oo ay ka faafiyeen war aan sal iyo raadtoona lahayn oo hiil u ah cadowga Somaliland.

Sidaas awgeed, waxay Wasaaradda Warfaafintu dacwad u gudbisay xeer ilaalinta guud ee qaranka si ay waajibkooda uga qabsataan xadgudubka ay sameeyeen labadaas Telefishan, waana mid ay xaq u leeyihiin inay iska difaacaan sharciga horitiisa.

Haddaba, waxa la yaable xisbiyada mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, oo siyaasadeynaya eedaha lagu soo oogay labada Telefishan ee Saab Tv iyo Star TV, waxaana xisbiyada mucaaridka ah looga baahan yahay inay xurmeeyaan wadajirka iyo dowladnimada Somaliland oo aanu hiilkoodu noqon mid u muuqanaya inay taageerayaan Somaliland diidka mangansaday cadowga Somaliland.”

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso