Warsaxaafadeed ay soo saareen odayaasha musdambeedka jaallidaha reer Somaliland ee deggen carriga ingiriiska kuna wajahan wasiirka caddaaladda Somaliland in uu xilka iskaga dego

Bismillaahi Arramanirraxeem.

Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

Warsaxaafadeed ay soo saareen odayaasha musdambeedka jaallidaha  reer Somaliland ee deggen carriga ingiriiska kuna wajahan wasiirka caddaaladda Somaliland in uu xilka iskaga dego

Waxay ahayd bishii ina dhaaftay 1/10/2018 markii laba nin oo dulmi ugu jiray muddo lix iyo bilood ah waxaanay kala ahaayeen Abwaan baashe Xasan Maxamed,iyo Cabdulqadir Nur oo saldhiigga dhexe ee malagaalada casimadda Somaliland ee Hargaysa maxkamaddu markii  ku wayde wax dambi ah xorriyaddoodii u soo celiya ay ahaydna in ay kadinka maxkamadda ka baxaan nin xeer ilaaliye ku sheeg  ahi  ganacsade ka awood sarreeyo uu diiday in ay albaabka dhaafaan ka dib markii ay eheladoodii ay la xidhiidheen ninka diiday labada nin ee ay maxkmakaddu sii daysay wuxuu ku andicooday in  laga awood sarreeyo taasina uu ka baqday in uu shaqada dulimiga ugu adeegaayo uu ku waayo sihaantaas waxannu u sheegay lahayn in uu in wasiirk caddaaladdu ka warhayo waxaa wasaaradda madaxa uu ka yahay ka war hayo ama xilka ka muquurrto kana tago

Talo soo jeedin

  1. Bulshada reer Somaliland in ay ilaashadaan caddaaladda kana war hayaan muwaadinka sharci darrada ku xidhan kana digtoondaan kuna dadaalan in aan dulmi lagu xidhin oo ay oo aanay u oggolaan kuwa aan u naxayn
  2. Waxaa Somalida lagu yaqaannay abwaan sharf ku dhex leh iyo qaddarin
  3. Beelaha walaaha ah ee Ba,hararsame iyo iyo Qayaad waa beelo lagu yaqaannay gobannimo iyo qaddarin mana aha beelo siyaaad laga dhex fushan karo waxaanu ugu baaqi lahayn in ay darisnmadooda ilaashadaan .
  4. Bulshada reer Somaliland waxaanu ugu digaynay in aan la midha midhaysan oo aanay noqon ninkii qayrkii loo xiirayoow soo qoyso adiguna .
  5. Beelaha reer Somaliland in ay dalkooda wada ilaashadaan cadowgoodana meel uga soo wada jeestaan khayrkana is faraan xumahana iska ilaaliyaan iyo dalkooda ka dhexeeyana aanay kala xigtaysan oo beesha madaxa ka noqota dalka aanay wada madaxawane noqon ogow haddii  reer Somaliland waa beelo walaalo ah dal wada leh haddii beeshii madaxa ka noqotaaba wada madax noqdaan dalku horumar ma gaadhi doono xubsibiga nasiib yeesha in uu dalka hogganka u qabto waxaa ku waajib ah in ixtiraam muujiyo .
  6. Madax dhaqameedka dalku in ay kulan joogto ah yeeshaan kana taliyaan xilka ka saran dalka.
  7. In laga baqdo Allaah nafaheennu gacantiisa ku jiraan geeridana aan la iloobin loona diyaar noqdo haddii caqliga wanaasani shaqaynaayo.
  8. Wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka ee dhaqanxumada ku kaycay waxaa u wanaagsan in uu sharaftiisa ilaashado xilka iskaga tago waa haddii uu doonaayo in uu umdda hormood u yahay Sharaf kula noolaado golaha guurtida yaanay noqon Xaaji Cabdulkariim cidi kama dambayn guddii loo saaray ceebta wasiirku gaystay in ay ka soo talo bixiyaa yaanay habrasho meel

la yuurursan.

  1. Guddida Doorashooyinka ee muranka dhaliyey in ay sharftooda ilaashadaan oo ay bulshada badankoodi ku qanacsanayn ay banneeyaan xilka waa haddii ay dalkooda wanaag la doonayaan caadis la saarana ka wantoobaan cid kale yaanay kugu sharaf doonan

Deeq Cabdi Digale

 

 

Attachments area

Advertisement

Ku Xayeysiiso