War Saxaafadeed Qirashada Tallaabooyin Waawayn oo la baahnaa ee laga qaaday cudurka dabaysha si loo badbaadiyo Carruurta Soomaaliyeed

 

MOGADISHU, Soomaaliya, 7 November 2018 – Maalintaan ee ah maalinta Adduunka ee Ciribtirka Dabaysha, Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Caruurta (UNICEF) iyo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa amaanay dadaalka xooggan ee ay sameeyeen weli na samaynayaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee ku howllan ciribtirka dabaysha iyo deeqbixiyayaha ku la garab galay dadaalkaasi labaatankii sano ee la soo dhaafay. Haddii aan tusaale ahaan u soo qaadanno dadaal xilligaan socdo, mas’uuliyiinta caafimaadka dowladda dhexe iyo ismaamul goboleedyada Soomaaliya, UNICEF, WHO iyo dhamaan iskaashiga adduunka ee ciribtirka dabaysha ayaa maalin iyo habeen uga shaqeynaya si ay uga badbaadiyaan ummadda Soomaaliyeed dilaacyo ka la cayn ahi ee cudurka dabaysha ee isku mar ka socdo koonfurta Soomaaliya tan iyo dhammaadka sannadka 2017.

“Maanta, caqabadda uga weyn oo carqalad ku ah ka hortagga iyo ciribtirka cudurka dabaysha waxaa ka mid ah caruurta badan ee aan weli talaalka la gaarsiin. Tani na waxaa u sabab ah nabadgelyo-xumo, barakacid oo ay keentay iskahorimaad iyo dagaal, musiibooyinka dabiiciga ah, iyo nidaamka caafimaad ee dalka oo weli liitta.” ayuu yiri Dr. Ghulam Popal, Wakiilka WHO Soomaaliya. “Tani waxay keentay xiddid yeelasha cudurka dabaysha oo ah cudur si sahlan ku faafa goobaha ay ka jirto nadaafad xumida. Laakiin waxaa nasiib wanaag maanta in tallaalka labada dhibcood oo had iyo jeer afka laga siiyo caruurta uu sahlay badbaadinta ubadka cusub.”

Mawduuca sanadkan ee Maalinta Ciribtirka Dabaysha Adduunka waa ‘Tallaabooyinka Waaweyn ee lagu dhamaystiro Dabaysha’ taasoo runtii ah hawl ay fulinteeda ku gudajiraan Dawladda iyo shaqaalaha caafimaadka. Tallaabooyinkani lagu xakameynayo dillaacayada hadda ka socdo Koonfurta ayaa ah mid lagu hubinayo in la wada tallaalo dhammaan carruurta.

Taageerayaasha Soomaaliya iyo daneeyayaasha ka tirsan bulshadda Soomaaliyeed ayaa ka rajo qabo in Soomaaliya mar kale ay ku guuleysandoonto hawshani. Ileen ma’aha marka uga horeyso ee Soomaaliyaa ku guuleysata dhamaystirka cudurka dabaysha.

“Maalin kasta, shaqaalaha safka hore uuga jiro la dagaalanka cudurkani, waxay soo cadeeyaan caddada carruurta u baahan in la tallaalo, badi na ku nol deegaanada lagu sheego xasiloonidarradu ,” waxaa yiri Steven Lauwerier, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya. “Waag walbo waxay garaacayaan iriddaha iyo albaabada bulshooyinka. Waxay booqadaan xeryaha qaxootiga iyo barakacayaasha. Waxay qoysaska baraan faa’iidooyinka tallaalka dabaysha. Waxay na siiyaan tallaalo. Kuwani waa geesiyaal aan la shaacin ee dagaalka ka dhanka ah dabaysha.”

Intii lagu jiray ololihii tallaalkii ugu dambeeyay, oo laga qabtay dalka oo dhan horaantii bishan, Dowladda, oo ay weheliso WHO, UNICEF iyo xubnooyin kale ee c ayaa tallaalay in ka badan 2.6 milyan oo carruur. Kooxaha ololahaa ayaa ku dadaalaya in la gaarsiiyo tallaalka carruurta aad u nugul ee aan weli la badbaadin. Ololaha xiga ayaa socondoono laga bilaabo 29-ka Oktoobar ilaa 1-da Noofembar. Tallaalka labada dibcood ee had iyo jeer la qaato ayaa ah sida kaliya ee looga hortagi karo cudurka dabaysha.

Kooxaha olalaha ayaa hadda wado wacyi gelin balaaran ee lagu fahan siinayo bulshada astaamaha lagu aqoonsada cudurka dabaysha sida qallajinta murqaha. Cudurka dabaysha ayaa sababa curyaanimo si kadis ahi ku timaado inta badan na saameeyso ilmaha da’da yar. Carruurta leh astaama mise calaamooyinkaan waa in la geeyaa rugta caafimaadka ee ugu dhow isla maarkiiba na sida ugu dhakhsaha badan baaritaan lagu hubinayo la sameeyo.

Hay’adaha WHO iyo UNICEF waxaa u muuqda in mid ka mid ah caqabadaha ugu wayn ee hortaagan in si dhammeystiran loo daboolo baahida talaalka cudurka dabaysha ay tahay in caruurta reer guraaga iyo dadka barakacayaasha ah lagu daro dejinta qorshaha asaasiga ah. Waxaa kale oo ka mid ah hagaajinta nadaafadda guud ee caruurta, iyo in talaalka la gaarsiiyo caruurta ku sugan goobaha lama galaanka ah. Waxaa aad suurtagal u ah in cudurka dabaysha hadda jirta uu ka yimaaday fayrus ka soo kabcay hoos-u-dhaca heerka tallaalka ilmaha weliba kuwa ku nool meelaha nadaafaddu liidato.  Sidaas awgeed Dawladda dhexe iyo ismaamulada, WHO, UNICEF iyo hay’adaha la-hawlgala waxaa ay baaqitaan u dirayaan ka na codsanayaan cid walbe sidii loo dhamaystiri lahaa ololooyinka xiga hab aan is-hortaag lahayn ileen waxaa laga marmaaran ah in la talaalo dhammaan caruurta Soomaaliyeed ee u baahan talaalka. Qof waliba door muhiim ah iyo xil wayn ayaa dulsaaran.

Fiiro xagga tafatirayaasha: Arag http://polioeradication.org/news-post/vaccine-derived-polioviruses/ wixii macluumaad dheeraad ah xagga wareejinta lagu horkacayo tallaalada cudurada dabaysha.

Xagga UNICEF

UNICEF waxay ka shaqeysaa meelaha ugu adage e dunidas, si ay u gaadho carruurta aad ugu nugul. In ka badan 190 waddan iyo dhulal, waxaanu ugu shaqeynaa ilma walba, meel walba, si loo dhiso addunyo u fiican qof walba.

La soco UNICEF xagga Twitter iyo Facebook

Xagga WHO

Hay’adda Caafimaadka Adduunka waa hay’ad takhasus leh oo ka tirsan Ummadaha Mdoobay oo Hadafkeedu yahay helitaanka dhammaan dadyowga adduunku heerka gu fiican ee caafimaad.

La soco WHO xagga Twitter – @WHOSom

Xagga GPEI

Tallaabada Dunida ee Ciribtirka Cudurka Dabaysha, waa iskaashi oo gaar ah oo ay hoggaamiyaan Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Rotary International, Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC) iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Caruurta (UNICEF ) oo ka shaqeynaya mustaqbal in aan ilmo waligiis mar dambe noqon mid ay cuuryaamisay cudurka dabaysha.

Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir:

Dheepa Pandian, Madaxa Warbaahinta, UNICEF Soomaaliya
Iimayl: dpandian@unicef.org Muqdisho Telefoonka Gacanta: +252 613375885 WA: +1-917-318-1624

Leilia Dore, Sarkaalka Warbaahinta, WHO Geeska Afrika
Iimayl: leiliadore@gmail.com Telefoonka Gacanta: +44 7521499274

Advertisement

Ku Xayeysiiso