Mareykanka:Xisbiga Democratiga oo ku guuleystay Aqalka Wakiilada

Xisbiga Dimoqradiga ayaa la wareegay awoodda maamul ee Aqalka Wakiilada Mareykanka,ka dib doorashooyinka xilligga dhexe oo ay maalinimadii shalay u dareereen bulshada dalkaasi.

La wareegidda maamulka Aqalkaasi oo ah markii koowaad muddo 8-sano ah ka dib,waxa ay xisbiga Dimoqradiga awood u siineysaa in ay joojiyaan ama ka horyimaadaan qorshayaasha ama Ajeendayaasha uu wato Donald Trump.

Xisbiga Madaxweyne Trump ee Jamhuuriga oo horay u heystay labada Aqal hadda waxa uu ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Senet-ka,isagoo lumiyay taageerada Aqalka Wakiilada.

Codeyntii shalay oo u muuqatay ama loo arkaayey sida afti lagu dabcinaayo waxqabadka madaxweynaha,waxaa codbixiyayaasha oo u badnaa haweenka ay soo bandhigeen sida ay u diidan yihiin maamulka Donald Trump.

Advertisement

Ku Xayeysiiso