Waqtigii golaha deegaanku waa gebo gebo hal cadhani geed ay ku xoqoto ma waydo

Waqtigii golaha deegaanku waa gebo gebo hal cadhani geed ay ku xoqoto ma waydo wadooyinka waxa dhisay shacbiga iyo ganacsatada dalka 70% ma aha waxaad ku faani kartid hoos u eeg caasimada fool xumada bilicda wadooyinka cidhiidhiga ah nadaafad darada iyo heshiiska xaaranta ee aad kula jirtid shirkadaha qashinka moyar waxa ku sharaf ah adigoo is casila manta shacbigu uma diyaar aha in ay codkooda doorasho dambe ay siiyan muwaadaniinta u sharaxan dalka taas waxa u sababa khasaaraha iyo guuldarada laydinkala kulmay Waxa ay dhib wayn ka jirtaa wadooyinka caasimada oo aad u burburay gadiidkii oo had iyo goor simxad isusocod haysato gadiidkii gurmadka caafimaadka ambulance oo aan haysan wado toos ah taas oo ay ku qaadato badbaadada hooyada xaamilada ah 2 hours taas oo sababi karta DHIMASHO HOOYADA IYO ILMAHA AMA DHIIG BAX waxa haboon in Moyarka caasimada hargeisa dhaqso ha isku casilo shacbiga ku nool caasimada hargeisa waxa tusaale waxqabad ugu filan moyarka iyo golahiisa deegaanka
Doorashada soo wajahan waa in aynu ku dooranaa aqoon xull ah looma baahna tan manta ay ku sugantahay caasimada hargeisa

Wadooyinka caasimada oo runtii aad u burburay gadiidka gurmadka caafimaadku waxay ku qaadata badbaada caafimaad ee hooyada foosha ugu yaraan 2 hours ilaa dhakhtarka wayn taas masuuliyadeeda waxa iska leh moyarka caasimada oo sababay dhiig baxaa iyo dhimashadaa badbaada hooyada foosha
Waxa markhaati u ah qof kasta oo ku nool caasimada hargeisa dhibaatada ka haysata gadiidka wadooyinka burburay oo aad wax ugu dhimay bilicda iyo nadaafada caasimada hargeisa

Waa in aynu ka fiirsana doorashada inagu soo socota si aanay u noqon tii u dambaysay aynu joojino cadiifada qabiilka oo aynu ku soo xulano musharaxiinta aynu gaysano golayaasha deegaanka dalka

Shacbigu ha eersadeen gacmahooda ay ku doorteen golahan deeganka ah ee fadhiidka ilaahay waxa uu yidhi qoomna ilaahay ma duleeyo iyagoo is duleeya mooyane sida sharciga uu ahaa waqtiyadii hore doorashada goolaha deeganka waxa laga soo dooran jiray tuujarta dad can ah oo leh maal iyo aqoon oo usoo istaagi jiray doorashada goolaha deeganka caasimada dalka manta qof kasta waxa uu u macalin ah indhhiisa iyo hargeisa cida ay dooratay

Dawlada hoose hargeisa waa muraayada laga daawado maamulka caasimada hargeisa haday dawlada hoose xumaato taa macnaheedu waxa weeye in ay shacbiga ku nool caasimada harg aanay mardambe ku dhiiran inay ay si fudud u siiyan codka kalsoonida waqtiga doorashooyinka golayaasha deeganka ee inagu soo fool leh labo sano ka dib hadaba waxa waajib inagu ah in aynu xusno soona qaadano maamuladii moyaradii ugu wanaagsanaa ee soo maray caasimada hargeisa iyo heerka waxqabadkii ay ka qabteen caasimada hargeisa waqtiyadii mudo xileedkoodi moyarnimo inagoo soo horaysiin doona eng maxd hashi
Waqtigaa uu la kulmay xilka moyarnimo ee caasimada eng inkastoo ay ahay waqti dalku ku jiro xaalad adag oo aanu si fiican aanu u shaqaynayn maamulka dawladnimo hadana eng maxd hashi waxa uu isla markiiba ka bilaabay in uu wax ka qabto heerka aqooneed ee shaqaalaha ka shaqaynayey dawlada hoose isagoo dib u eegay heerkooda aqooneed waxbarasho dibna uga qaaday imtixaan waxbarasho si uu kor ugu qaado mushaharka ku filaan kara inanka shaqaalaha ah si uu badbadiyo hantida umada kana fogaado laalush iyo musuqmaasaq eng maxd hashi waxa uu u kordhiyey mushaharkii shaqaalahi ku guulaystay imtixaanka dawlada hoose ilaa heer ku filan noolasha isaga iyo caarurtiisa eng maxd hashi markuu helay shaqaale tayo leh waxa uu kordhiyey shaqadii dawlada hoose gali hore iyo galin dambe eng maxd hashi waxa uu culayska saaray dhagaysiga iyo kasbashada shacbiga caasimada ku nool isagoo dhex socon jiray isagoo kaliya si uu u qaato taladan shacbiga ku nool caasimada iyo baahiyadka tabashadooda gaarka eng hashi waxa uu aha moyarkii culayska saaray in uu dib u habeeyo qorshaha dhiska caasimada iyo jidadka caasimada si walba ha ahaate waqtigaas oo aanay suurto gal ahayn nidaamkii maamulkii dawladnimo ee jiray

Eng xusien maxamoud jiciir oo ah moyarkii ugu
nadaafadeed ee caasimada hargeisa ku sugnayd waqtiga moyar xusien jiciir oo ah moyarkii ugu horeeyey eeku yimaada cod dorosho gole deegan inakoo kazoo bilaabayna heerka waxqabad ee arimaha nadaafada caasimada harg iyo kawaanka qashinka iyo maamulka nadaafada caasimada waxa maaraynteeda laha dawlada hoose oo qashinka ka masuul ahayd iyadoo aad dareemi karto waqtigaa goobaha qashinka caasimada uu tuula iyo nadaafad xumadii iyo bilic xumadii isla waqtiga moyar jiciir isagoo eegaya sida ugu haboon ee qashinka caasimada wax loga qaban laha oo ah heer caalami waxa uu ku wareejiyey qashinkii shirkada private sectors oo uu ku gunayn jiray dawlad hoose kaab dhaqaale siday shirkadahaasi usii kordhin lahayeen heerkooda waxqabad sidoo kale waxa uu ka dhex saaray kawaankii caasimada hargeisa oo uu gaadhay qorshahii dhiska caasimada oo uu ku wareejiyey shirkada private sectors markaynu barbar dhigno moyaradii soo maray eng xusien maxamuod jiciir waxa uu ka hir galiyey daafaha caasimada jidad isku xidha degmooyinka caasimada si ay u fududato simxada wado marida jidadkaas oo uu ka hir galiyey dagmo kasta jid gaadhaya dherer 8km isugayn 26 wado oo laami ah ayuu ka hir haliyay caasimada hargeisa
Halka moyar cabbirahmon sotelco oo hada soo dhamaystiraya jidkii ugu dheera ee dawlada hoose wax ka qabatay kaas ooh jidka airport halka july 2017 uu ku eg yahay waqtigii mudo xiloodkoda golahan deeganka markaan lagu darin mudo kordhintan dambe

waxqabadka badnaa caasimada hargeisa moyaradii soo maray marka loo eego heerka maamul waxqabad
: Dr Buux
Fayo-dhawre madax bannaan la soco
buux2010@gmail.com
0634130821

Advertisement

Ku Xayeysiiso