Tirsiga Soomaaliga       ….Qaybtii 1aad…

Tirsiga Soomaaliga       ….Qaybtii 1aad…

Tirsiga somaaliga waaxaan ula baxay sanadaha, bilaha, ayaamaha iyo waqtiyada kala gedisan ee ay soomaalidu tirsato.

Waxaan si kooban u soo bandhigi doonaa,  waqtiyada kala duwan ee soomaalida, anoo farshaxan, qoraanimo ku muujin doona  ,sidoo kale waxaan isku dayi doonaa inaan ku fahan siiyo , kaana siiyo aqoon  taariikheed  tersiga soomaaliga.

Sanadka soomaaligu waxa uu ka kooban yahay 365 maalmood, sidoo kale biluhuna waa 12 bilood , 7 cisho oo kastana waxa la yidhaa  todobaad.

Sannad-taxane  soomaalideenu  malaha  sanad-taxane oo ah  sannado isdaba socda ama tirsi taariikheed joogta ah,  se waxay lahaayeen oo ay tirsan jireen,  sannado can ahaa, kuwaas oo soo mari jirey  iyaga sida,  hebel  wuxuu dhashay barwaaqadii (biyo badanta) ama abaartii  (daba-dheer)  sidaas oo kale ayey u tirsan jireen,  laakiin may lahayn sannado is daba socda  sida  taariikhda, miilaadiga iyo hijriyada midtoona,  sidoo kale caruurta waxa loo tirinjirey imisa gu ayuu jiraa  waxa uu dhashay  dayrtii shaanaad saasoo kalana waa loo tirsenjirey.

Sidoo kale soomaalidu waxa ay lahaayeen oo ay tirsadaan  afar xilli,  waxayna kala yihiin sidan soo socota.

1. Guga
2. Dayrta
3. Xagaaga
4. Jilaalka

Axmed Cade
axmedcade33@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso