Qaybtii 2aad Kala Saaridda Qabyaaladda, Xisbinnimad iyo Dawladnimada. Waa maxay Xisbi Siyaasadeed? Prof-Abdi Ali Jama

Qaybtii 2aad

Kala Saaridda Qabyaaladda, Xisbinnimad iyo Dawladnimada.

Waa maxay Xisbi Siyaasadeed?

Xisbi siyaasadeed waa dad isu tagay oo u diyaara in ay doorasho galaan si ay u qabtaan hogaanka dalka, halkaas oo ay rabaan in ay fuliyaan siyaasado ay aaminsan yihiin.

Waa maxay xisbinnimo (partisan)?

Xisbinnimo waa in aad u xagliso qof ama koox aad isku xisbi tihiin, adigoo isla markiiba garbinaya qof ama koox aad kala xisbi tihiin.

Saw ma aragtid in ay isku eg yihiin xisbinnimo iyo qabyaalad; waa sababta labaduba u yihiin ammuur siyaasadeed; if you are tribalist or partisan, you are too political!!

Haddaba, markaynu u soo noqonno dalkeena, xisbinnimadu waa heerkii labaad, marka laga yimaaddo qabiilka. Xisbiga waxa isugu imanaya in ka badan hal qabiil, kuwaasoo isu xulafaysanaya in ay ku guulaystaan doorashada, si ay ula wareegaan awoodda dalka, una fuliyaan siyaasado ay aaminsan yihiin in ay waxtar u yihiin danta guud iyo taageerayaashoodaba.

Marka laga joogo heerka xisbiga waa in ay hoos u dhacdaa reernimadu, xisbiguna noqdaa mid laga ilaaliyo in reer af-duubaan; matalan xisbiga gudihiisa haddii reer ku badan yahay, inta kalena waxa u bannaan in ay is xulafaystaan. waxa kale oo lagama maarmaan ah in xeerka xisbiga lagu xardho qodobbo ka hortagaya in xisbiga reer ku amar ku taagleeyo; in dhaqaalaha xisbiga aan la ogolaan in reer kaligii bixiyo IWM; adigu isku soo xooriyoo waa in xisbiga gudihiisa lagu rabbeeyo qabiilka, lagana dhaadhiciyo kaadirka xisbiga in qabiilka loo adeegsanayo uun siyaasad ahaan (political tribe), arrimo dhaqan dhaqaale awgeed, ee aanay ujeedadu ahayn in Qabyaalad la sameeyo hadhow; kaadirka la arko in aanu sidaa aaaminsanayn, wali muu noqon siyaasi; ma aha in xil sare uu ka qabto xisbiga; waa in tabobar la siiyaa illaa inta uu ka bislaanayo!!!

Haddii Qabyaaladda lagu edbin waayo xisbiga gudihiisa, waxa dhacaysa in basar xumada lala tago dawladnimada oo ah marxaladda tan xigta, marka la guulaysto.!!!

Marka la joogo heerka xisbinnimada, waa in la sameeyo siyaasadihii xisbiga (public policies), waa waxa loo yaqaan afka qalaad political platform; kuwaasoo ah siyaasadaha lagu ololaynayo, hadhowna loo beddelayo xeerar marka doorashada lagu guulaysto.

Halkan waxa taalla hawsha ugu adag; waana bartay u dhimatay; xisbiyadeenu ma aha xisbiyo dhab ah; maxaa yeelay waxay ku guuldarraysteen in ay sameeyaan arrimahaas aynu kor ku soo sheegnay; haddaba waa in loo hawlgalaa sidii loo sixi lahaa; waana la hayaa dawadii, ee aan boodhka ka kacno, innagoo saxayna qaladaadkeena.

Cabdo; Mufakirka ka mida ah mufakiriinta Somaliladn

Advertisement

Ku Xayeysiiso