Muuse Biixi Iyo Talada Dalka HANDARAAB (Qaybtii 34aad) By Maxamed Xoosh

Hogaamiyihii Hormarka U Horseeday Dalka Yar Ee Singpore “Lee Kuan Yew”
Waxaa Laga Hayaa Xikmad Ah (Hadaad Aragtid Dawlad Ay Tuugtu Socdaan
Wadooyinka, Ama Xukumada Iyo Dawlada Jirtaa Tuug Ah Ama Shacabka Ayaa
Doqon Ah)

Tuuga Shacabkeenu Wuxu u Haystaa Tuuga Baahidu U Geysay Boobka Iyo
Baadhashada Dadka, Balse Waa Tuug Weyn Oo Magac Siyaaseed Ku Xadaaya
Hantidii Umadda

Shacabka Doqonka Ahna Waxa looga Jeedaa Garashada Siyaasadeed Ee
Bulsho Oo Aan Bislaan Waxba Ma Kala Sooci Karaaan

Handaraabku Wuxuu  Dawo Ka Yahay  Degmooyin Iyo Maamulo Madax Leh Oo
Badhasaab Walba Ay Ka Hoos Shaqeeyaan 10 Shaqaale ah Oo u Baahan
Budget Ama Miisaaniyad Ku Tasarufo Oo Gaadhaysa Boqolaal Kun

Handaraabku Wuxuu Kale Dawo Ka Yahay Wasaaraddo Iyo Isu Duwayaashoodii
Gobalada Ku Bixi Jireen Malaayiin Dollar Oo Mushahar Iyo Hawl
Maalimeed Ku Bixi Lahaa

Handaraabku Wuxu Ka Dawo Yahay 50 Milyuun Dollar Oo Sanad Walba Ku
Baxa Dib U Heshiisiinta Dagaalo Ay Kiciyeen Ganacsato Iyo Siyaasiyiin
Wakiilna Ka Yihiin Oday Dhaqameedyo Ka Ciisha Isku Dhaca Umadda !!!

Handaraabku Wuxu Kale Dawo Ka Yahay Kooxo Xariif Ku ah Isku Dhejinta
Iyo Guulwadaynta Kolba Cidii Xilka Haysa “Gofanayaal” Aqoon Badan Ma
Leh Keliya Waxay Ku Fiican Yihiin Sida Loo Koro Salaanka Ku
Dhawaynaaya Kursiga Dalka U Sareeya

Hadraabku Wuxuu Dawo U Yahay Siyaasiyiin Dadka Kicin Kara Oo Laaluush
Dawlad Walba siin Jirtay Ama Xil Aan Jirin Loo Magacaabi Jiray

Hadaraabku Wuxuu Dawo Ka Yahay GANACSATAYAAL Baahi U Hayn Oo Hadana u
Bartay Xatooyada Xoolaha Umadda Baahan Ee Bilaa Damiirka ah “Alle Ka
Cabsi Ma Jiree” Waxa Ka Mid Ahaa Wadaado Ganacsato Ah

Badanaa Wadamada Hormaray Hadii Ay Waayaan Shacab Kala Sooca Xumaha
Iyo Samaha Waxa uu Helaa Madax Leh Garaad Siyaasi Bislaaday Oo Ku
Qasabta Hormarka Dalka Iyo Dadka

Madaxweynaha Waxaan Ku Raacsanahay In Uu Talada Hormarka  Maroorado Oo
Weliba HANDARAABO Wixii Dalka Hore U Socodsiinaaya

Maxamed Xoosh

Advertisement

Ku Xayeysiiso