Masar oo sheegtay in 19 ka tirsanaa Daacish la dilay

War ay soo saartay Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Masar ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka dalkaasi ay dileen 19 ka tirsanaa maleeshiyaad lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerrarkii ay dadka badan ku dhinteen oo ka dhacay Masar dhawaan,waxaana howlgalka lagu dilay uu ka dhacay Gobolka Minya ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday gaadhi bas ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah lagu dilay dad badan maalintii jimcada ahayd ee la soo dhaafay xili ay ku safrayeen gobolkaasi Minyaa ee Dalkaasi Masar kuyaala.

Kooxaha argagixisada Daacish ayaa sheegtay weerarkaasi in nay ka dambeeyeen,taasi oo keentay in ay jawaab ka bixiyaan ciidamada ammaanka wadanka Masar,kuwaasi oo dowladdu ay sheegtay in ay dileen ilaa 19 ka tirsan maleeshiyaadkaasi.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha dalka Masar ayaa soo bandhigtay astaamo muujinaya howlgalkaasi lagu dilay maleeshiyaadkaasi ka tirsanaa Daacish,iyo qalab ay isticmaalayeen sida hubka iyo deegaano ay ku dhuumaalaysanayeen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso