Odhaah Siyaasadeedka Maanta: Qulqulatooyinka Jigjiga Iyo Sababaha Ka Dambeeya

Dhammaadkii bisha Oktober iyo horraantii Nofember (10/30/28 & 11/1/2018), qulqulatoonyin wajiyo badan leh ayaa Jigjiga ka dhacay; dhimasho iyo daawacna wey geeysteen. Kooxa kala duwan ayaa midkastiba dhinaceeda uga faa’iidasan rabtay xilligan kalaguurka ah.

Waxaad mooddaa in xorriyatulqowlka Deegaanka lagu soo dabbaalay ay timid xili kala biiq xagga amingu yimid, gaarahaan markii Liyu Bolisku Jigjiga ka baxeen , lana afgambiyey  maamulkii uu gadhwadeenka ka ahaa maxbuus Cabdi Maxamuud Cuamar. Madaxweyne Mustafa Cumar waxay ciiddamada federalku ku soo galbiyeeyn qasriga madaxtoyada Deegaanka Soomaalida, Ogosto 23, 2018.

Intaanu madaxweynaha noqon, Mustafe waxa uu ugu cadcaddaa qorbojoogta deeganka ee mucaaridka ku ahayd maamulkii Cabdi M. Cumar. Bishii Sebtember dhawr tallaabo ayuu Madaxweynaha cusubi qaaday. Tallaabooyinkaasi waxay isugu jireen kuwo wanaag leh iyo kuwo kale oo tub xun marey.

Tallaabooyinka wanaagsan ee shacabku ku diirsadeen waxa ka mid ahaa: Calankii Soomaalidu isku raacay 1994 oo la soo celiyay; in heestii calanka Deeganka la badalay; Maxaabiistii siyaasadda u xidhanaa oo la siidaayay iyadoo isalamarkaana Jeel Ogaadeen  la xidhay; iyo dawladda oo qaadatay mab’da dulqaad iyo iscafin ku dhisan.

Arrimaha qaldamay iyana waxaan ka xusi karnaa. Matalan, degmooyinka qaarkood maamulka si qaldan ayaa loo soo dhisay, Jigjigiba ha ugu horreysee. Canaanta weyna waxa leh wasiirradii uu madaxweynuhu u xilsaaray. Kaliya waxay ahayd in uu madaxweynuhu si dhab ah u fiiriyo (quality control) xubnaha la magacaabay markay hordhigeen. Hase ahaatee xaalado cakirnaa xiligaas, MW waxa uu miciin mooday in uu qalad uu arkayey duuduub ku liqo. Hoos ayaan ka tilmaami doonaa, laakin dhibta maanta la soo daristay MW cusub qaarkood waxa loo aanayn karaa qaladka ka yimid sammi-qaybsiga Jigjijga iyo meelo kale.

Rabshadaha xilligan xaasaasiga ah yimid dhowr sababood ayaa keenay? Sababo lagu tilmaami karo kuwo ishu markaaba qaban karto, iyo kuwo dahsoon. Sababaha ishu qaban karto (immediate causes) wax ka mid ah shaqaaqo ka dhacday Garab-case iyo Axmaarada lasoo abaabulay in ay mudaaharaadaan xiligan xaasaasiga ah.

Waxa dhibtu ka billaabmatay dad layidhii waxay raadsadeen dhul waa hore ciiddamadu kala wareegeen oo Booliska DDS xero looga dhigay. Dhulkaas isaga ah intii ka hadhay ayey iskood u raadsadeen muwaadiniintaasi. Is-afgranshawaa dhexmaray ciiddamada iyo shacab meesha isku soo urursaday ayaa sal u ahaa dhibtan.

Dhibta labaad waxay ka dhalatay iska horimaad dhexmaray dad Soomaaliyeed iyo shaqsiyaad ka soo jeeda qomiyadaha aan Soomaalida ahayn ee magaalada ku dhaqan. Tan dambe dhibkeeda ayey iska leedahay, haddaan laxakameyna cawaaqib xumo iyo soo rogaal celin gumaysi ha lagu tala galo.

Intii aan qoraalka diyaarinaayey ayuu MW Mustafa tallaabo mug leh qaaday taaso ah in uu amray in ciiddamada federaalku ka baxaan Jigjiga. Waxa amniga magaalada loo xilsaaray Ciidamada booliska gaarka ah ee Soomaalidu leedahayna. Talada ku darso Itoobiya weligeedba marka Soomaali iyo cid kale oon Soomalida ahyn ee Deeganka dagani isqabtaan ciidamada Itobiyaanku waxay si badheedha ah u la saftaan cidda aan Soomaalida ahayn. Waa arin la mid ah tan ninka Madow iyo Bilayska Mareykanka dhexmarta, oo ninka modow had iyo jeer dambiile laga dhigo lana ciqaabo – wa fal caalamka oo dhan ninka laga gacan sarreeyo la daris ah.

Sababaha dahsoon (underlying causes) ee keenay dhibtan Jigjijga lasoo gudboonaatay way wajiyo badan yihiin, hase ahaatee laba sababood ayaan ka soo qaadan:

(1) Shaqsiyaad magaalada dagan oo MW Mustafa markii hore soo dhoweeyey xulufo siyaasadeedna ahaayeen ayaa ku qanci la’ madaxnimadiisa. Waa xooggag u xuubsiibatay in ay Madaxweynaha iyo madaxda Oromoda iska horkeenaan si iyaka loo saacido.

(2) MW Mustafa markuu Mucaaradka (activist) ahaa arrinta dhulka wuu u olaleeyey, fahamka arrintani haba iska yaraadee. Wax caddayn ah ayaadoon miiska la soo dhigin ayey si xooggan loogu cambaarayn jiray maamulkii ay xiligas mucaaridka ku ahaayeen.

Maantase isaga iyo maamulkiisa ayaa la rabaa in arrinta dhulka lugu karbaasho. Haddaan arinta la maareyn waxay isku badali kartaa qaddiyad qabiil ama waxa afka qalaad loo yaqaan “nativist ideology.”

Sidaas dartee, arinta Garab-case waa arrin MW Mustafa wax ka qaban karo marka lagaadho xiligeeda laakin hadda aanay munaasib ahayn. Dhulbeeraadka Deeganka oo boqol sano jirsaday, marxalado kala duwan ayuu soo maray. Waxaa la rabaa loona baahan doonaa barnaamij isku jaan go’an oo la odhan karo dib u eegista dhul beeraadka iyo taakulayntiisa, ama“land use policy” oo Deegaanka alaga hirgeliyo.

Tan Axmaarta la abaabulay qudheeda waa arrin la rabay in MW lagu mashquuliyo caddaadis siyaasadeedna lagu saaro. Sida MW Mustafa sheegay, xulufo badan ayaa ku bahoobay arrimaha Garab-case iyo Amxaarada la abaabulay.

Maalmahan dambe, xulifada MW Mustafa caddaadiska saareysa waxay isku taxluujiyeen in ay simaan halganka Soomaalidu ku difaaci rabto Moyaale, Balbalayti, Baabili, Siti (Diredhabe) iyo Tuliguuleed iyo qulqulatooyinkii Jigjiga laga abaabulay. Hase ahaatee, waa tog iyo taraaf lamana masayn karo.

Kooxihii shaqaaqadii dhacday dhawaan ka dambeeyey waxay rabeen in ay dhahaan MW Mustafa madaxnimada Deegaanka magayo. Waana arrin caadifad qabiil salka ku haysa.

Xilligan xaadirka ah, waxa isku duuubnaanta Soomaalida halis ku ah labadan kooxood oo kala ah: (1) kuwo labaxay Dulmidiid iyo (2) kuwo marna Oromo sheegata oo adeegsada dawlada dhexe iyo Dawladeegakan Oromia, marna saami aanay u qalmi karaba Deeganka Soomaalida.

Arrinta Dulmidiid waa la daweyn karaa oo waxa ku filan in lagu amro madaxdooda in ay noqdaan xisbi siyaasadeed oo diwaangashan. Haddii kalese ay ruqsad u samaystaan hay’ad adeeg samafal fidinaysa farahana kala baxaan siyaasadda. Taa hadday diidaan, waa in ay oday dhaqameedyo noqdaan madaam ay qaarkood magac dhaqan wataan.

Sadexdaas haday mid qaadan waayaan, madaxdooda waxay ku qasbanaanayaan in ay qawaaniinta raacaan. MW Mustafa waxa looga fadhiyaa in uu ka guuro nidaamka qabiiliga ah una guuro nidaam qaran.

Kooxda labaad iyana waa in ay laba mid doortaan: in ay ogolaadaan in ay dad Soomaali ah yihiin una hawlgalaan, iyaka oo kaashanaya DDS, soo celiyaan deeganadii ay sababeen in Oromiya lagu daro, gaar ahaan Jinacsani iyo Baabili. Haddii kale se, waa in ay ku qancaan in ay noqdaan dad aan Soomali ahyn oo Deeganka ku dhex nool sida Amxaarada, qowmiyadda Koonfureed, iyo Oromoda kalebal isla markaana xaquuqdooda la dhawro (minority residents in the Somali State).

Dhibta Jijgjiga ka dhacday waxa loo’aanayn karaa tub qaldan uu Madaxweyne Mustafa markii hore qaaday haddeerna la rabo in la saxo. In maamulka magaala madexda Deegaan reer kaliya gacanta loo galiyo dhibaatooyin iyo khatar siyaasadeed ayaa ku jira. Muddo boqol sano ah, waa markii ugu horreysay ee masuul dawladeed saamiqaybsi qaldan Soomaalida Jigjiga dagta iyada oon laga fiirsan ku soo dhex tuuro.

Arrintaas waxa ka dhashay:

1. In dad badan oo isir ahaan Jigjiga xaq ku lahaa dibadda la dhigo kuwo kale oo la naasnuujin rabona saami aanay u qalmin la siiyo.

2. In kuwii uu awoodda dheeraadka ah siiyey MW Mustafa uba arkeen in uu marti ku yahay magaaladii Jigjiga.

3. In dad mood iyo maalba ku dhaqan la handado oo layidhaah guryihiina taayiro saarta oo magaalada nooga baxa.

4. In midnimo soo jireen ahayd oo Jigjiga lahay wiiqanto.

Saami qaybsiga lagu soo tallaaley waa kow, welina hore uga ma dhicin Jigjiga. Waxaase aan la filayn kooxihii uu MW u sad kordhiyey, isagoo islahaa wanaag ka tali, in isagii dib u maageen. Waa gacantii aad sooryeysay ee dib kuu qanintay!

Siyaasaddu astaamo gaar ah oy leedahay ayaa jira. Midi waa in aad had iyo jeer dadka kula shaqeeya isku dafnaadaan. Saami qaybsiga dadka oo dhan gaadhaa waxa uu dawo ka yahay in aan laguu tashan, laakiin laguu soo kala baratamo. Waxa haddase Jigjiga ka dhacay dadkii gaarka ahaa uu awooddii oo dhan gacanta u galiyey ayaa isku dayey in ay isaga u tashadaan.

Arrinka labaad waa waano ka timid Machiavelli, faloosofikii iyo aabbaha culuunta siyaasadda oo nolaa qarnigii 16aad, lataliyana u ahaa boqorkii Florence ee Talyaaniga. Buuggii uu xilligaas qoray oo layidhaa (“The Prince, 1532), waxa uu yidhii shaqsiga madaxa ahi waan in uu kala doortaa in “lagu wada jeclaado” iyo in “lagaa baqo.” Machiaveli waxa uu isweydiiyey su’ashatan: “Is it better to be loved than feared?” “Ma waxa roon in lagu jeclaado mise in lagaa baqo?”

Madaxdu waxay rabaan in “la jeclaado isla markaana laga baqo.” Hase ahaatee, “labadaasi meel ma wada mari karaan,” ayuu tibaaxay Machiavelli. Waxaad mooddaa in Madeweyne Mustafa uu markii hore qaadday tubta ah halagu jeclaado sidaas darteedna saami qaybsi aan weli Jigjiga lagu arag iyo sad bursi reer kaliya siiyey.

Machiavelli waxa uu ina barayaa haddan labada la wada heli karin, waxa la qaatay in lagaa baqo amniguna taasuu ku jiraa. Wareysi uu Madaxweynuhu bixiyey November 2, 2018, waxa uu caddeeyey in dawladiisu diyaar u tahay in laga baqo.

Ayada oo la tixgalinayo damoqraadiyadda, MW Mustafa hadda waxa uu qaadi rabaa tubta ah “baqasho dawladeed in aanay ku iman “gacan bira oo bulshada lagu qabto” , balse ay ku timaad “sharciga lala tiigsado qaswadayaasha.”

Waa tub loo bahanyahay in kacabsiga dawladdu aanu ku iman “gacan bir ah,” sida maamulkii Meesha ka baxay, laakiin uu ku yimaad “sharciga oo la raaco.” Sidaas waxa lagu sugii karaa xoriyatulqawl, amiga iyo daganaanshe wada socda oo Deeganka ka ambaqaada..

W.Q. Faysal Cabdi Rooble
Email: faisalroble19@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso