“No taxation without representation” =Qormo Cajiib ah=.

“No taxation without representation” oo ah “Canshuur Bixinmaayo haddanan Baarlamaanka ku leheyn Cid igu matasha”. Hal ku dhagaan waxa uu ka mid ahaa Duruustii Dugsiyada Sare lagu dhigi jiray waqtiyadii kacaanka.

Waxaa laga soo qaatay hal ku dhegaa Kacaankii Dalka Mareykanka , waxaa hal ku dhegaan markii ugu horeysay Laga Maqlay Jonathan Mayhew, Old West second Congregational pastor xaflad dhacday 1750kii. Sababtuna waxa ey aheyd markii 13 Mustacmaradood oo Ingriisku Gumeysanay oo aan ku leheyn Cid uga wakiil ah Baarlamaanka Ingriiska, iyada oo weliba sharciyada la soo saaro iyo canshuuruhu ey saameynayaan oo iyaga laga qaadayo weliba waxa ey aad uga caroodeen markii la soo saaray Sharcigii Canshuuraha Sokorta iyo kan Stamp-ka ,kuwaa oo ka hor imaanayay sharcigii “the Bill of Rights 1689”.

Mar kale Sharciga Canshuuraha ee carada dhaliyay waa kii February 1768. Kacdoonkii dadweyne ee ka dhashay waxa uu keenay in 13 State ey iska xureyaan isticmaarkii ingriiska eyna asaaseen waxa maanta loo yaqaan USA.

FG: waa qaanuun Caalamiya, ha bixin Canshuur haddaadan leheyn cid aad wakiitay ee kugu matasha Baarlamaanka, haddiiba ey ku saameynayaan Go’aanada baarlamaanku. Haddii kale ogsoonoow waxaad ku jirtaa Mustacmarad.

Hal ku dhegaan waxaad ka helee Buugaagta Taariikhda ee Mareykanka iyo Duruuustii Taariikhda Dugsiyada Sare ee dalka lagu dhigi jiray wixii ka horeeyay Burburkii Kacaanka.waa inta wax isku darsato go’aanka ha Isla gaareen.

FG:( waa taariikh Cimiyan Dhacday, ha siyaasadeyn, sidaa doontana u qaado. Aragtidaa xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax).

Maxaa kuu baxay?.

Qore: Yahya Amir

Advertisement

Ku Xayeysiiso