Kordhinta Miisaaniyadda Guddida Doorashooyinku Ma Abaal-gudbaa Mise Gudasho Shaqo Qaran- ‘Ujeedooyinka Qarsoon Ee Aan Loo Badalayn Guddida Doorashooyinka’

Innagoo wali dhex-mushaaxayna badwaynta falanqaynta miisaaniyadda 2018 iyo isbar-bardhiga Wasaaradaha iyo Ha’yaddah dowliga ah, waxaan qaybtan ku eegi doona korodhka xad-dhaafka ah ee miisaniyadda Guddiga Doorashooyinka Qaranka, anigoo bar-bardhigi doona sanadkii hore iyo kan aan ku gudo jirnaba. Sannadkii 2017-ka waxa uu ahaa sannadkii ay ugu shaqada badnaayeen Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxaana u qabsoomay doorashadii madaxtooyadda Jamuuriyadda Somaliland, sidoo kale waxay qabteen hawlo badan intii u diyaar garowga doorashadda lagu guddo jiray, iyadoon shaqooyinka ay qabteen la soo koobi Karin sannadkii 2018-ka haddana waxa xusuus mudan in miisaaniyadda loo qoondeeyay ay dhamayd 5,034,716,020 SL/Shilling oo kaliya.

Sannadkan 2018-ka ee aan ku jirno bilihisii ugu danbeeyay waxaa cad in miisaniyaddii 2018-ka gabo-gabo ay taagan tahay, waxaana xisaab ahaan la gaadhay waarankii ugu danbeeyay si wasaarad walba iyo ha’yadd walba ay u gudato shaqadda qaranka ay u hayso, waxaa xaqiiqa ah in dhamaan Ha’yadaha, wasaaradaha, Guddiyada iyo dhamaan xarumaha iyo hay’addaha dowliguba qaateen miisaniyadoodii, hadday wax-qabteen iyo haddii kaleba.

Sanadkan 2018-ka wali wax-shaqo ah oo ay qabteen guddidu doorashooyinku ma jiro oo bulshadda loo soo bandhigay amaba warbixin laga soo saaray, intaa waxaa sii dheer in xusbiyadda qaranka ee mucaaridku UCID iyo Waddani ay ku doodayaan inayna ku kalsoonayn gudidda doorashooyinka sidda daradeed xaq ay u leeyin in la aqbalo soo jeedintooda oo la badalo. Laakiin xukuumadda uu hogaamiyo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi isla markaana ah guddoomiya xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye oo 9-kii sano ee ugu danbeeay taladda dalka gacanta ku hayay ma ogolo in la baddalo guddida doorashooyinka waxaanu sheegay inaanu ku qancin soo jeedinta xisbiyadda mucaaridka ah taasina waa ifafaalaha muuqada ee ina tusinaya in doorashooyinku dib u dhici karaan.

Hadda waxa aan indhaha laga qarsan Karin miisaniyadda xad-dhaafka ah ee loo kordhiyay guddida doorshooyinka Jamuuriyadda Somaliland taas oo ah lacag ahaan dhan:- 28,753,901,218 SL/Shilling-Billion. Koradhka miisanayadda Guddiga Doorashooyinka aan isbar-bardhiga kooban ku samayno hay’adaha dowaladda iyo wasaaradaha ay ka badan tahay miisanayadda lagu kordhiyay sannadkan 2018-ka ee loo kala garan la’yahay abaal-gud iyo hawlaha shaqadda qaranka midda ay tahayba.

Siddoo kale Korodhka miisaaniyadda Guddiga Doorashooyinka aan bar-bardhig ku samayno Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga oo ah tan dalka maanta u baahan yahay nolosheena iyo mustaqablkeena nololeedna ku tiirsanaan doona, wax-soorkooduna noqon karo mid aan ku faano.

Is bar-bardhiga miisaniyadda Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysiga  iyo Korodhka Miisaniyadda Guddiga Doorashooyinka Qaranka, waxaa badan sidda shaxankan sare ka muuqata korodhka miisaniyadda Guddiga Doorashooyinka, sida darteed halkan waxaa aan ka fahmi karnaa in buugga baraamijka wax-qabadka Xisbiga Kulmiye uu ahaa olole doorashooyinka oo kaliya balse aan laga run sheegin wixii ku qornaa oo ay ka mid ahaayeen xoojinta wax-soo saarka dalka sida xoolaha, kaluumaysiga iyo macdanta, sidoo kale waxa iswaydiin leh lacagtan 28-ka billion SL/shilling ka badan ee loogu daray miisaniyadda Guddida doorashooyinka Ujeedada laga leeyahay, aan sidoo kale is bar-bardhig kooban ku samayno Sanadkii 2017-ka iyo kan 2018-ka miisaniyadda Guddida doorshooyinka.

Maaliyadda ay maamulayaan Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxay ka badan tahay waddarta  miisaniyadda saddex wasaradood amaba waddarta Miisaniyadda 4 Hay’addood sidaa awgeed suuro-gal ma aha in si fuduud loo baddalo marka laga eego muhiimadda gaar ahaaneed ee ay u leeyihiin xukuumadda hadda talada haysa. Hadda ujeedooyinka qarsoon ee aan loo baddali Karin ma kuwa maaliyadeedba misa waa kuwa danta dalka ah, su’aashaana aan u dhaafo akhristayaasha iyo Xisbiyadda qaranka ee mucaaridka ah iyo waliba qaybo kale oo aan falan qayndoono. ……La Soco

Qalinka: Mustafe A. Habane

Advertisement

Ku Xayeysiiso