Aynu Ku Soo Noqonno Taxanihii Aynu Isku Waafajinaynay Qabyaaladda, Xisbinimada iyo Dawladnimad. Prof-Abdi Ali Jama

Aynu Ku Soo Noqonno Taxanihii Aynu Isku Waafajinaynay Qabyaaladda, Xisbinimada iyo Dawladnimad.

Tribe and Political tribe yes, but no tribalism.

Afeef:

Poltical tribe ama Tribalism-ka siyaasadda uma jeedno waa habka kaliya ee kursiga lagu gaadho, waxa jiri kara habab kale; laakiin waqtigan la joogo iyo marxaladda bisaylka siyaasiga ah ee dadkeenu marayo, Political tribe waa habka loogu isticmaalka badan yahay marka madaxda sar-sare (political posts) toos loo soo dooranyo ama la magacaabayo.

Waa Maxay Qabiil?

Waa maxay Qabiil (tribe)? Qabiil waa dad ka soo jeeda awow kaliya, dhiig ahaan, ama bah aan wadaagin awow, laakiin isu bahaysatay dantooda.

Waa maxay Qabyaaladi?

Waa maxay Qabyaaladdu (tribalism)? Qabyaaladu haddii la qeexo waa xaglin aad u xagliso xagga qof ama koox reerkiina ah, adigoo garbinaaya qof ama koox reer kale ah.

Waa maxay Qabiilka Siyaasiga ahi?

Waa maxay Qabiilka siyaasiga ahi (political tribe)?. Waa marka aad adeegsato reernimo si aad kursiga u gaadho; waxaad barbardhigtaa political Islam ama Political economy oo kala ah markaad isticmaasho diinta si aad ugu guulaysato madaxnimada sida Ikhwanul muslimiinka oo kale, iyo marka aad isticmaasho xal u raadinta mashaakilka dhaqaale sida shaqo la’aanta si aad kursiga u gaadho.

Haddaba Qabiilku dhib ma laha oo Ilaahay baa dadka sidaa ka dhigay: ا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا ۚ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ (13 ; sidaa darteed waxaynu is dul taagi doonaa Qabyaaladda iyo Qabiilka Siyaasiga ah.

Qabyaaladda ama (Tribalism)-ka ayaa ka ballaadhan Qabiilka Siyaasiga ah (political tribe); kan danbe waa marka loo isticmaalo qabiilka arrimo siyaasadeed sida doorasho Madaxweyen ama doorasho Barlamaan IWM, laakiin Qabyaaladdu waa marka aad u istimaasho qabyaaladda wax kasta, matalan haddaad shaqo bixinayso waxaad samaynaysaa qabyaalad; haddaad doorasho galayso waxad samaynaysaa Qabyaalad ( political tribe); haddaad deeq waxbaraso qaybinayso waxaad samaynaysaa qabyaalad; hadaad adeeg bixinayso waxaad samaynaysaa qabyaalad; macnaha qabyaalad ogow waxaynu ku soo qeexnay xaglin, markaad cid gaar ah ayaad u xaglinaysaa marka aad hawlahaas oo dhan qabanayso; dabcan cid kalena waad garbinaysaa isla markiiba.

Haddaba dadkeenu waxay u baahn yihiin in arrimahaas loo kala saaro, lana baro in Qabyaaladdu (Tiibalism) uu yahay Siyaasad (politics); sidaa darteed aan curshi ku jrin in qofku uu isticmaalo Qabyaalad (Tribalism) marka matalan la dooranayo Madaxweyne ama Gole Deegaan; taasi waa Qabiilka Siyaasiga ah (political tribe), laakiin waa in aan marna la yeelin in qabyaaladda (Tribalism-ka) in loo isticmaalo ammuuraha kale sida marka dawladdu bixinayso shaqo ama adeeg u fidinayso dadkeeda; maxaa yeelay ma aha arrintani Siyaasad (politics); waa adeeg bixin; Qabyaaladduna (Tribalism) waa arrin siyaasadeed .

Sidaa darteed Tribalism haddii loo isticmaalo bixinta adeegga ama shaqo qorista waxa la odhan karaa waxa la siyaasadeeyey wax aan siyaasad galin; waa in shaqada la qoraa qofka ugu sarreeya qiimeynta la sameeyo; waa in deeqda waxbarasho (Scholarship ) la siiyaa ardayga ugu sarreeya derajada imtixaanka; haddii Qabyaalad lagu isicmaalo meelahan waxaad u badheedhay in aad nolosha oo dhan siyaasadeyso; macquulna ma noqonayso, danina kuma jirto sidaa; in aad shaqo qorto qofkii liitay ama aad deeqdii waxbarasho siiso kii laga fiicnaa iyadoo uu joogo kii ka fiicnaa; ummadda sidaa caadeysataa waligeed geedkaa gaadhi mayso; waana ummad dayaysan oo aan kala saari karin Siyaasadda iyo danta; haddii ummaddi kala saari waydo labadaasna faataxada ayaa loo maraa, wax rajo ah oo ka soo jeedaana ma jiro; laakiin haddii la helo hoggaan wax fahansan, daacadna ka ah, waa laga saari karaa ummadda jahliga ragaadiyay.

Teeda kale wax qabyaaladda gaar u ah ma aha; xisbinimada lafteedu waa la mid; lama ogola xisbiga guulaystaa in uu adeega iyo shaqo bixinta ku saleeyo xisbinnimo; sharciyo adag baa ka yaal dunida; ma ogi meel ama waddan la ogolyahay sidaa; tan qabiilkuna waa taasoo kale; waa in la kala saaraa siyaasadda iyo maamulka; siyaasaddu waa in ay meel ku istaagtaa; DG iyo wixii ka hooseeya loolama iman karo sheeko xisbi ama qabyaaladeed; mamnuuc!!!! dadka ayay u adeegaan Civl service-ku, waanay u siman yihiin muwaadiniintu adeegga dawladda!!!

Haddii aynu isku soo wada xoorino, waxa dulucdeenu tahay Tribalism waa loo adeegsan karaa siyaasadda, sida doorasho, taasna waxaynu u bixinay (political tribe) ama Qabiilka Siyaasiga ah, waana ka loogu isticmaalka badan yahay marxaladdan aynu ku jirno markaad eegto; laakiin looma adeegsan karo Tribalism-ka nolosha caadiga ah ee siyaasadda ka fog ama maamulka dawladnimada, sida shaqo bixinta iyo adeeg bixinta ay dawladdu samayso, si aanay taasi u dhicinna waxa ay ummadu ka dhiganaysaa xeerar adag oo aan loo dulqaadan karin ciddii siyaasadeysa ammuuraha ka fog siyaasadda. halkan waa khadka kala qaybiya siyaasadda iyo maamulka; waa in siyaasaddu ku ekaataa xagga sare.

Ugu danbyntii, maanta wixii ka danbeeya ma ku hesshiina in qabyaaladdu (tribalism) laba tahay, midda loo adeegsado siyaasadda oo aynu u bixinay Qabiilka Siyaasiga ah (political tribe) oo aan curshi lahayn, iyo midda loo adeegsado wixii aan siyaasad ahayn, oo noqonaysa ta cudurka ah ee loo baahan yahay in lagu tirtiro xeerar ummaddu dhigato oo adag, isla markaana aan loo dulqaadan haba yaraate, markaa immika wixii ka danbeeya Qabyaalad (tribalism) waxaynu u isticmaali doonaa tan danbe ee xun; tan loo adeegsado siyaasaddana waxaynu u bixin doonaa Qabiilka Siyaasiga ah (political tribe).

Cabdo; Mufakir ka mid ah mufakiriinta Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso