Itoobiya iyo Baanka Adduunka oo kala saxeexday Labo Heshiis Maaliyadeed


Xukuumadda Itoobiya iyo Baanka Adduunka ayaa kala saxeexday laba heshiis maal-galineed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Itoobiya, Ahmed Shide iyo Carrie Turk oo ah Agaasimaha Baanka Adduunka ee Itoobiya, Suudaan iyo South Sudan ayaa saxiixay heshiiskii oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dalkaasi Itoobiya.

Sida laga soo xigtay Axmed Shide, Wasiirka Maaliyadda, heshiiska koowaad ayaa ah 1.2 bilyan oo doolar waana in lagu maalgeliyo Barnaamijka Horumarinta ee Itoobiya iyo Horumarka Ganacsiga.

Heshiiska labaad ee maal-galinta ayaa lagu qiyaasey isna 150 milyan oo doolar waana horumarinta xirfadaha kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu taageero isbedelka waxbarashada iyo farsamooyinka iyo tababarka (TVET) ee Itoobiya.

The World Bank’s Board of Executive Directors this week approved 1.2 billion US dollars in support and Credit to Ethiopia.

Guddiga Agaasinka Guud ee Bankiga Addunka ayaa usbuucan ku ansixiyey 1.2 bilyan oo doollar-ka Maraykanka oo isugu Jira Taageero iyo Deyn Dalka Itoobiya.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso