Hantaaqada Loo geystay Hantidii Ummada-Hargeisa Women’s club Dugsigii Dhaqaalaha Haweenka Xaaji Haweeya Cabdi Mooge(IHUN)

Hantaaqada loo geystay hantidii ummada:

Hargeysa Women’s club

Hooyo Haweeya Cabdi Mooge (IHUN)

Bahda Mareegaha Farshaan

Noofember, 2018

Hordhac:

Bishii Noofember 13dii, 2017kii ayaa dalka Soomaaliland waxaa ka dhacdey doorashadii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xugeenka.  Waa dhaqan ay doorasho kasta oo aduunka ka dhacdaa leedahayee  xanaf iyo  inay isku  maandhaafaan xisbiyada natiijadii doorashada  ayaa timid.  Hase yeeshee dacwad loo gudbiyey maxkamada ma dhicin, sidaa darteed ayey maxkamada qaranku go’aamisay in  musharaxiintii Xisbiga Kulmiye ku guulesyteen doorashadaa. Sidaa darteed waxaa  dalka Soomaaliland loo caleemo saarey Mudanayaasha Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici “ inay siday u kala horeyaan u kala noqdaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Maalmo ka dib ayaa madaxweyne Muuse Biixi soo saarey  warbixin ah in  qof kasta oo xil ka qabta  xukuumadiisa uu soo bandhigi doono  hantidiisa gaarka. Tani waxay aheyd ugub oo dadkii way soo dhaweeyeen, aadna way ugu riyaaqeen, hase yeeshee  waxay  noqotay hadal loo bogay oo fulintiisii laga gaabiyey.

Mar kale ayaa wasaarada  hawlaha guud iyo guryeyntu  u soo bandhigtay qorshe  ay  ku ururinayso xogta  hantida qaranka.  Sida caadada u ah dadka  wanaagsan ee reer Soomaaliland  ayaa soo dhaweeyey una hanqal taagey   hirgalinteeda. Axaa markaaba maanka dadweynaha dhex jibaaxey  in  la bdabaqabanayo boobka hantida ummada waxii hadhay, sidoo kalena  laga dabatagayo  intii hore ee si xaq daro ah  gacanta ugu gashey dadweyne adeegsadey awood xukuumadeed.

Bishii  sebtember 1dii,2018kii ayaa  la qabtey xafladii  soo bandhigida barnaamijka ururinta xogta qaranka. Waxaa ka so qayb galay madaxweyne Muuse Biixi oo ku amaaney  wasaaradaa inay  soo bandhigto inay ururinayaan xogta hantida qaranka iyadoo tamarteedu ay aad u yar tahay  shaqaale ahaan, dhaqaale ahaan iyo qalab ahaanba, hase yeeshee dal kasta oo hurumay dad baa u kaca oo tabaruc sameeya si ay jiilka danbe uga faa’iidaystaan uguna aayaan sida dalalka la majiirto ee ay ka mid yihiin Maraykanka, Shiinaha iyo Itoobiyadaa jaarkeena ah. wuxuu Madaxweyne Muuse ku bilaabey khudbadiisii: “ Aad baan ugu mahadnaqayaa wasaarada inay soo qabanqaabisay barnaamijkan lagu diiwaan galinayo hantida qaranka”.

Isagoo madaxeyne Muuse Biixi sii wata hadalka ayuu yidhi: “ Qof kasta oo guri dhisanayaa wuxuu u samaystaa mulkiyad,dee inaga waxaa iangu waajiba inaan mulkiyad u samayno  hantidii qaranka.Waayo aragnimadu axay ina tustay in loo haysto wixii dawladu waa bilaash”.

Waxaa kaluu Madaxweyne Muuse faahfaahin ka bixiyey hab-dhaqanka dadka oo  iska hor imanaya, wanaagna ay doonayaan in loo halgalo, haddana  halwgalkii ayey ja hor imanayaan, siagoo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi:

“Dadku laba arimood oon is waafaqsaneyn ayey naga doonayaan  wax noo nidaami oo wax noo qurxi iyo buurtaa anigaa leh   oo amar qaadan, wanaagna wuu naga doonayaa, qaabkii wax loo wanaajinayeyna wuu diidayaa, ama waxaabu la soo istaagayaa dawladu way ku cadaadineysaa”

Ka dib khudbado laga jeediyey goobtaas, ayaa wasiirka  hawlaha guud iyo guryeynta mudane    ….    Oo sidoo kale  soo bandhigay in shaqaalaha look ala dirayo gobolada dalka si ay  u soo ururiyaan xogtaas.

Bulshada reer Soomaaliland oo aad u soo dhaweysay qorshahaas ayaa markiiba waxaa maankooga ku soo maaxey  boogtii  dambweysay. Waxaa markaliya bulshadu ku wada dhawaaqdey  dugsigii dhaqaalaha ee  Xaaji Haweeya iyo ardeydii wax ka baraneysay ayaa Illaahay  u soo diray gargaar.  Waxaa wali maankooga ku soo maaxaya weedhihii uu markii  la dumiyey dugsigaa uu ku dhaaaqey mid ka mid ah macalimiinta dugsigaasi oo yidhi: “ Hooyo wax la barey  waa qaran wax la barey. Axaan filayaa xukuumada waxaa u hadhey inay masjid Jaamaca Hargeysa iibiyaanee ee kaalaya oo iibiya”.

Axay aheyd weedh runtii bulshada daneeya, garanaya wiimaha waxbarashada iyo kaalinta uu dugsigaasi kaga jiray bulshada ku reebtay uur ku taalo.  Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (IHUN) oo ogaa halgankii  aqooneed ee ay Hooyo Haweeya Cabdi Mooge(IHUN) soo gashey iyo kaalinta ay bulshada ku laheyd ayaa dugsigaa  si gaar ah u hoos keenay wasaarada waxbarashada, kuna caleemo saarey in lagu sharco hooyada ummada ee Haweeya.  Asiirkii wasaarada waxbarashada ee xilligaa mudane Axmed Yuusuf Ducaale oo aanu kawareysaney ayaa yidhi:” Dugsigaa waan ogaa aasaaskiisii, sidoo kale waxaanu la soconay kaalinta midho dhalka ah ee ay hooyo Haweeya ku leedahay bulshada iyo waxbarashada haweenka, sidaa darteed daryeel agab iyo dhaqaale ayaanu u fidinay dugsigaasi”.

Dadka  xilligii la unkay ama sidii lagu bilaabey ogaa dugsigaa waxaa ka mid ah Eng. Maxamed Xaashi Cilmi. Mar uu  ka falcelinayey weedhii uu ka  jeediyey madaxweyne Muuse Biixi  madashii lagu soo bandhigayey qorshaha ururinta xogta hantida guud ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi ““Hantidan Umadda ee la yidhi hala diiwaangaliyo waa Shay loo baahan yahay, kolkaa Dawaan-galinta illaa waxa kujiraysa Xaruntii Women’s Clubka ee la dumiyay ayaa ku jiraysa waxyaabaha aan ka filayno in lasoo Celiyo”.

Dadka aad u daneeya  ilaalinta hantida siiba  goobaha aqqn korodhsiga ayaa hadalheynta ku badiyey in uu mudane Muuse Biixi ku dhiiran doono ku soo celinta gacanta dalada meelaha ay ka mid yihiin Dugsiga Xaahi Haweeya (Hargeisa women’s club), Madashii Kaydka buugaagta ee Gaandhi, Guriyihii la isku qoray,iwm.  Haddii aaaney iman dhiiranaanta  la filayo , tanina waxay la mid noqon doontaa qawda maqahii oo waxba ha u qaban.  Hase yeeshee  in laga hor dhaco ma wanaagsana, waana guul la filayo inay hirgasho, oo la helo rag dhiiranaanta intaa leeg leh. Ididiiladu ma xumo oo durba lagu diirsey  soo celinta haamaha shiidaalka, baa’biinta shirkadihii gaarka loo lahaa ee madaarka Cigaal International,iwm.

Image may contain: one or more people and people standing

Sida la wada ogsoon yahay Dugsiga Xaaji Haweeya wuxuu  jaar wadaag wanaagsan la lahaa guriga uu lahaan jiray Cali Jirde (IHUN). Waxaaney ku wada joogeen nabad iyo caano, hase yeeshee iminka  dugsigaasi inta la burburiyey ayaa lagu daray oo wakhtigan uu barxad gaadiidka la dhigto looga dhigay  Huteelka Aamina Weris ee Jirde Hotel. Tani axay huteelka summad uga dhigaysaa inuu yahay “Huteelka Booli Qaran”. Waxaa kaloomurugo iyo ciil leh in ardeydii dugsigaasi  oo xilligaasi  2015kii ku dhaweyd 2000 (laba kun) oo ardey  la kala direy  ilaa iminka ay ku maqan in dugsigii la dayac tirayo.Waxaana go’aankaa soo jeediyey oo xilligaa ahaa wasiirka waxbarshada Faarax Cilmi Geedoole oo haystay amarka xukuumadii Siilaayo.  Ummadaasaa la leeyahay horumar ha gaadho!!!

Haddaba waxaynu si  gaar ah u guda gali doonaa taariikhda dugsigaa la odhan jiray Women’s Club,kuna danbeeyey magaca Dugsiga dhaqaalaha haweenka ee Xaaji Haweeya iyo taariikh halgameedkii  Xaaji Haweeya(IHUN).

La soco qaybaha danbe..

Fu’aad Sheekh

Bahda Mareegaha Farshaxan

www.farshaxan.com  iyo www.farshaxan.org

Advertisement

Ku Xayeysiiso