Duqa Muqdisho oo Daahfuray Xarunta Tababarrada iyo Luqadaha

Duqa Muqdisho oo Daahfuray Xarunta Tababarrada iyo Luqadaha
Muqdisho, Nofeembar 03, 2018— Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa furay Xarunta Luqadaha iyo Tababarrada oo laga howlgeliyey Muqdisho.Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in muhiimad weyn ay ku fadhiyaan dib u soo nooleynta xarumihii waxbarashada, gaar ahaan machadyada tababarada iyo luqadaha ee aqoonta bulshada lagu dhisayo.“In dib loo howlgeliyo xarumihii Tababarka iyo Luqadaha ee Caasimadda waa mid ahmiyad weyn ku fadhida oo uga mahadcelinayno Jaamacadda Jobkey ee howshan xilka iska saartay, si kor loogu qaado aqoonta bulshada ee dhinaca Luqadaha”.Eng. Yarisow ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu had iyo jeer u taagan yahay sidii aqoonta bulshada Caasimadda kor loogu qaadi lahaa, isla markaana loo soo nooleyn lahaa xarumihii kala duwanaa ee waxbarashada ka shaqeyn jiray.“Waxaan rabnaa in muwaadin walba uu wax qori karo waxna akhrin karo, waana sababta aan waxbarashada dadka waaweyn uga hirgelinayno Caasimadda, sidoo kale waxaan rabnaa in caruur walba uu waxbarto”.Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa dhinaca kale shahaadooyin guddoon siiyey degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan aqooneedkii bisha Ramadan oo iska kaashadeen Jaamacadda Jobkey iyo Idacaadda Shabelle ee Muqdisho.

Advertisement

Ku Xayeysiiso