Muuse Biixi Haloo Sheego Qodobadan. Qalinkii:- Ibraahin Aadan Aw Qoobey

Muuse Biixi Haloo Sheego Qodobadan.

1. Muuse wuu is yeelyeelayaa ha loo sheego dadka somaliland ee kala fogaaday in aanu kala fogayn hadalkii ciro ee tasaanulkii doorashada, waxaa kala fogeeyay hadalkiisii ololaha uu ku galay ee ahaa xisbiga waddani waa somali wayn iyo labadii suldaan ee gacmaha isku dhiibay burco waa taa ta dadka kala fogaysay doorashada ka hor, markii aad hogaanka u qabatayna ficil kasta oo aad samaysay muusow wuxuu ahaa mid dadka sii kala fogayay, markaa danbigaa cirro iyo qof kale toona kulama wadaagaan adiguu gaar kuu yahay la kaalay raganimadeedii aad isku furdaamin lahayd kagana bixi lahayd.

2. Shir beeleedku waa kii somaliland ta aad madaxwaynaha ka tahay dhalay go’aamadiisii iyo talooyinkiisii haseyeeshee wixii umadu ku heshiiisay hadii la baalmaray oo ay in la kala tago joogto maanta waa muhiim intii la kala tagi lahaa in cidii lexjeclo ka haysaa jiritaanka somaliland isu timaado oo dib u tashato oo wixii ay dhisteen wixii ka qaloocday la toosiyo oo wali ba maanta ayay ka waayo aragsan yihiin oo ka mutacalimiin badan yihiin somaliland casri ah oo qof kastaa xuquuqdiisa ka heli karo muran la’aan ay dhisan karaan waana muhiim doodaaas na muuse biixi cid wax ba ka waydiin mayso oo waa danta umada iyo dalku halka ay ku jirto.

3. komshinka ma kala diri karro, baarlamaanka saami qaybsigiisu aniga ima saarna waa arin sharci waxaa ka masuul ah golaha wakiilada iyagaa laga sugayaa waa hadal afgobaadsi ah, waa carigsi iyo dhafoor taabasho waa nin kastaw ba waxaad ka cabanayso wixii ka maarmi waydo yeel, taasi maaha taladii laga sugaayay masuul ku fadhiya kursigii umada ka dhaxeeyey ama laga rabay inuu noqdo xabagtii umada isu haysay.

4. Muuse biixi saddex wasaaradood buu baabiiyay waa dib-udejintii, madaxtooyadii iyo duulistii hawada wuxuu u magacaabay saddex nin oo la wada garanayo dadka caqligooda isagoo caayaya ama ku ciyaaraya ayuu inoo sheegay inuu soo koobayo tirada wasaaradaha si kharashkooda loogu bixiyo horumarka laakin saddexdu ba waxayu shaqeeyaan sidii hore markay wasaaradaha ahaayeen miisaaniyadoodii na waxba iskamay dhimin, waxaanay ka tahay ku sad burso oo badso golaha xukuumada.

5. dastuurka jamhuuriyada somaliland baa dhigay in xilalka qaranka ay ka wada muuqdaan dhamaan beelaha dega somaliland, muuse biixi isagoo arkaya inuu maxkamada sare, generalka ciidanka qaranka,ayuu inoogu sheekeeyey shaqooda way ka adag yihiin oo anigu na maan magacaabin ee waan ugu imid sabab aan u badalana ma jirto, dadku sidiisa maaha way ka xigmada badan yihiin bari danbe ayay ogyihiin hadal ka dhaca ayay diidayaaan markuu sidaas ku tiraabay way ka xishoodeen waxaanay door bideen inay iska daawadaaan.

6. Muuse Biixi dhaartii uu maray uma haysto in ay ahayd magaca ilaahay waxaad se moodaa shaarubaha oo la xiiro iyo gadhka oo lala baxo in ilaahay loogu dhawaado qalinkiisii baa in badan cadaalada ka fogaaday, oo qabyaalada ku shaqeeeyey oo eex u dhurtay oo waliba uu isagu u haystaa inuu sax markaas buu hadana wuxuu sheegayaa in qabyaaladi jirto oo umadu kala qaybsan tahay, ha loo sheego raga axsaabta madaxda ka ahi umada xil uma hayaa kursiga ay ku fadhiyaana maaha kii umadu ku heshiiisay laakin waa isaga ka umada wixii ka dhaxeeyey kaligii maroorsaday ee bursaday ee wali ba la soo taagan garnaqsiga iyo dooda indho la’aanta ah.

ugu danbayn cidii ku tidhi muuse biixow waxaad tahay kalidii labe ma jiro nin kula aqoon ah, kula karti ah oo kula raganimo ahi been bay u sheegeen muuse biixiye haw sheegaan runta maanta ha u sheegaan markuu dhexdooda joogo inuu intaas dhexdooda ku leeyahay hase yeeshee markuu umada somaliland dhexjoogo in rag ka darani jiraan jirina jireen jirina doonaan.

Gudini daab la’aantii 

miyay dogobo goysaa?

dirac kali ahaantii 

daleel guusha kama helee 

dadkaa geesi lagu yahay.

 cali sugule allah haw naxariisto.

Qalinkii:- Ibraahin Aadan Aw Qoobey

Minsota Min USA

Advertisement

Ku Xayeysiiso