Dantaada ka hadal

 

Beryahan ba degmada aan deganahay waxa iiga imanayay arrimo aan liqi waayay oo ay dabada ka riixayeen ragg ka tirsan xisbiga Waddani,iskuna deegaan ka soo jeedno.Laab la kac luminaaya ayay rumaysteen inuu jid toosan oo aarsiya ku ridaayo.La yaab!

Waa dhab degmada M/Moge ee aan deganahay inay ka arradan tahay kaaba yaasha bulshada,sida wadooyinka oo xaqiiqdii wadada isku xidha dugsiga M.A.Cali ilaa istaanka basaska ee M/Moge ay si xoogan u burbur santahay,dhawr jeerna basas laydu ay cabasho u gudbisay dawlada hoose ee degmada iyo xaruntaba.Wax jawaab ahna aan laga hayn.

Hadaba cabashooyinku waxay leeyihiin jidad sharciya oo loo maro,waxa kale oo ay dadweynaha degmadu xaq u leedahay inay iyagu isku tashadaan oo ay cashuurta waxba loogu qaban waayay ay wadooyin ama baahiyahooda ku qabsadaan.Balse maamul ayaan samaysanayaa waa talaabo sharuucda dalka baal maarsan.Waxa iyana la yaab ah ragg aan dadweynahu dooran isku magacaabaan Mayor,kuxigeen iyo xoghaye qaabilsan 2da degmo ee M/Moge iyo M/Haybe.Iyadooy jiraan xildhibaano codka 2da degmo ku fadhiya G.degaanka caasimada oo ka wakiil ah dadweynaha soo doortay.

Nimankaa iskood isu cumaamaday talaabada ay qaadeen waa mid lid ku ah rabitaanka dadweynaha 2da degmo,waa mid meel ka dhac ku ah xildhibaanada laga soo doortay 2da degmo,waana fawdo shuruucda dalka dhaawac wayn ku ah.Macnaheeduna yahay dawladi ma jirto ee annagaa ka dawlad ah!

Waxa hubaal ah arrinkani inuu ka fog yahay cabashooyinka lagu soo gabaday.

Aqoon yahano,ganacsato,madaxdhaqameed,xildhibaano 2da gole ee wakiilada iyo degaanka,siyaasiyiin intuba way degan yihiin degmooyinka M/Haybe iyo M/Moge maxaa keenay ragga fawdada waday inay la tashan waayaan! Maxaa dhamaantood raggaas iskood isu cumaamaday inay ka tirsanaadaan taageerayaasha xisbiga Waddani?

Gabo-gabo,waxaan leeyahay raggaas ku kacay arrinka shuruucda baal marsan adeerayaal xasarada nooga daaya xaafada waanu idinla deganahay oo ku soo noqda xayn daabka wada tashigeena iyo shuruucda,kana xag xagxagashada aad ku haysaan xildhibaanada degmooyinku ay doorteen ee ay codkooda ku fadhiyaan kuraasta,kana daaya dumarka iyo caruurta kicinta dulmiga ah.Hadii kale nafahiina ayuun baad masuul ka tahiine ee dantaada ka hadal.

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso