HARGEYSAY CASHUURTA BIXI MADAXWEYNAHAA XARAF QASRI LOOGA DHISAYAAYE

Waxa isasoo taraaya diidmada ay diidayaa degmooyinka caasimadu inay siiyaan dowlada hoose cashuurihii laga qaadi jiray, sheegeyna inay qanac kataagan yihiin wax qabad la’aanta dowlada hoose ee Hargeysa Taas oo cashuurta ay kaqaadato mooyaane aan habayaraatee aan waxba kusoo celin iyada oo baahiyo badani kajiraan degmooyinkaas ha ahaato biyo la’aan, wado la’aan iyo cidhiidhi baaxad Weyn oo kajira goobaha waxbarashada, sidoo kale habayaraatee aan laga hirgelin goobaha adeega bulshada siiba goobo caafimaad marka laga reebo kuwa gaarka loo leeyey, hase yeeshee iyada oo ay baahiyaha kajira degmooyinkaa Waxa laga qaadaa wax u tarilahaayeen ayaa lagu fuliyaa mashruucyo kale lacagtoodii, waxa aynu lawada soconaa in uu Duqa ama Maayarka caasimada mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ‘Soltelko‘ uu sheegey in uu madaxweynaha mudane Muuse Biixi Cabdi uu u dhisaayo QASRI ama madaxtooyo cusub uuna uga dhisi doono deegaanka uu madaxwenuhu kasoo jeedo oo ah Galbeedka Hargeysa Taas oo wax ugub ku ah Somaliland in madaxtooyadii dalka dowlad reereed laga dhigto oo lararto iyadoo uu ku daray mudane Soltelko in uu golaha guurtida iyo baarlamaanka uu darafyada urari doono markuu Kornaynka XARAF kasoo jeediyo, waa wax lalayaabo, runtii iyada oo caasimada baahiyo badani kajiraan ayaa habayaraatee aan u muuqan se nasiib wanaag bulshadii degmooyinka caasimada intoodii badnayd wey baraarugeen weyna ogaadeen in dano gaara oo ardaayeysan uu maayarku wato oo aanay uga fadhiyin wax qabad danbe se iyagu iskood wax u qabsanayaan oo waxooda wax ku qabsanayaan biyo gacmahaagaa lagaga dhergaa taasna Waxa cadayn u ah in degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31 ka may ay ku dhisteen todobaad waxay todobada sanadood dowlada hoose ugu dhisiweydey waanan u hanbalyeynayaa degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31ka may wax qabsigay u tafoxayteen Hanbalyo, sidoo kale waxaan u hanbalyeynayaa degmooyinka Maxamuud Heybe iyo Maxamed Mooge iyo Gacan-libaax siday u baraarugeen Una ogaadeen inuu xaalku yahay uun HARGEYSAY CASHUURTA BIXI MADAXWEYNAHAA XARAF QASRI LOOGA DHISAYAAYE!!!.

Wabilaahi tawfiiq

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso