Xukuumada Pakistan oo Dil Ku Fulisay Ninkii Kufsaday Inanii yarayd ee Zainab

Pakistan ayaa ku fulisay xukun dil ah Imran Ali oo ahaa ninka halista badanaa dalkaas ee kufsiga caruurta kaas oo mas’uul ka ahaa afduubkii iyo dilkii Zainab al-Ansari, oo 6-jir ahaa, bishii January.

Fulinta Dilkan ayaa maanta oo Arbaca ah ka dhacday jeelka Lahore ee Pakistan , Intii lagu jiray baadhitaanka, Imran Ali ayaa toos uga mas’uul ah 6 xaaladood oo kufsi ah dhamaantoodna ay ahaayeen Hablo Caruur ah.

Dembiga qallafsan ee dhacay maalintii ay keenay in dadweynaha ka cadhoodeen guud ahaan Pakistan, taas oo sababtay in dadku ay soo bandhigaan banaanbaxyo waawayn oo ka dhaca magaalooyinka dalkaasi iyaga oo kaga soo horjeeda silsilada danbiyada kufsiga carruurta iyo dilkooda.

Dhinaca kale, Aabaha dhibanaha ayaa booliisku waydiisay in ay ku soo bandhigaan Xukunka Dilka ah ee lagu Fuliyey Ninkan taleefishinka, si ay u noqto cashar wax lagu qaato qof kasta oo u maleynaya inuu sameeyo wuxuu doono, se garsoorka ayaa diiday inay fuliyaan codsiga Aabbaha.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso