Warqad Furan Mudane Madaxweyne Muuse Biixi

Mudane Madaxweyne Waxa Ku Yaalla Hawlo Badan oo Caqabado badan ka Horeeyaan

Somaliland La Wada Leeyahay

Golayaasha Qaranka Sida Golaha Garsoorka Guud sida Golaha Wakiilada Sida Golaha Guurtida Sida Golaha Fulinta Waa In Beelaha Somaliland Oo dhami iska dhex arkaan Gole kasta Madaxa sare uu haysta beelaha somaliland Darafyada iyo dhexdu ba

Gaar ahaan Awoodaha Ugu sareeya Si Dheeli Tir baladhan loo Helo

Madaxweyne Waxaan kugula Talin naynaa In aanad somaliland Dariiqii lagu soo jirey UUN aanay ku sii socon e Aaad Doorka wax ka badal aad noqoto madaxweynihii Ugu horeeyey ee ku dhiirada Waxna ka qabta Amaanteeda iyo Guusheeda da na xukuumadaada Yeelanaysa

Qodobka Doorashooyinka iyp Caqabadaha

Mudane Madaweyne Waxa Muuqata Doorashada Baarlamanka & Golaha Deegaanku Inaanay waqtigeedii Ku Qabsoomayn Ifafaalaha muuqda Mudo 5 Bilooda Ka hadhsan

Mudane Madaxweyne Baarlamaaku 12 sano kabadan Bay Fadhiyaan Golaha Xeerkii Lagu Dooran lahaana way Samayn kari waayeen

Mudane madaxweyne Golaha Guurtida Waxuu Noqday In La Isku Dhaxlo Oon wax Sharciyada ba aanay lahayn iyo xeer Doorasho

Mudane Madaxweyne Saami Qaybsiga Golaha Wakiilada Ee Gobolada Sool Iyo Awdal Waa Mid Ay Xaq U leeyihiin In Loo Kordhiyo iyadoo La Isugu Imanayo Shir Qaran O wada Tashi

Mudane Madaxweyne Saami Qaybsiga Golayaasha Dawlada Waa In la isku Dheeli Tiraa Gaar ahaan Kuraasta Sar sare Waa in beelaha Somaliland oo dhan iska dhex arkaan Gaar ahaan Golaha wakiilada,Golaha Guurtida,Garsoorka Guud Si Loo Xaqiiyo Somaliland La Wada Leeyahay

Hadaba Intaas oo Hawla Waa Arin U baahan Karti iyo awood dheeraada Waxii Guul ah ee ka soo kordha na amaanteeda xukuumadaada iska leh waxii laga Gaabiyo Na Dhaliisheeda adiga iska leh

Mudane Madaxweyne Baarlamaanka Degreeto ayaad ku kala diri kartaa Dastuurku Xaq Ku siiyey Markay Mudadooda dhamaystaan ilaa inta baarlamaan cusub laga dooranayo

Qodobka ku saabsan saami Qaybsiga Gudi khubaro ah Baad Kaashan Kartaa oo Daraasad ka soo samaysa Go aanka U danbeeya na adaa iska leh

Doorashada OO waqtigeeda Dhici weyda waa  karaamo xumo u Soo Hoyatay Qaranka oo dhan Iyo Dimuqraadiyadii oo God ku dhacday  Eeedeeda Na Cid aan xukuumada daada ahayn ma Yeelanayso Xisbiyadu haba mar marsoodeen kolba komishanka hala bedelo iyo xubna ha lagu daro Ha Yidhaahdaan Laakiin Fulinteeda Idinka leh

Hadaba Mudane Madaxweyne Waxaanu Codka Ku Siinay Inaan In taasoo Hawla Aaad Kartideeda Iyo Go aan keeda Leedahay

Guntii Iyo Gabo Gabo Dii Dawlad nimadu Maaha dhaqaalaha Kaliya oo La Kobciyo Waxaad Ogaata IN Madaxweyne walba Taariikhdu xusi Doonto Wax Qabadkiisa iyo Dhaliishiisa ba Waxaanu indhaha  ku hayn doonaa Hawlahaa waaweyn ee Qaranka Hor yaala Sidaad U maarayso Adigoo adeegsanaya Kari,awood,hawlkar nimo,una Talo badsanaya Ilaahayna la kaasho wax Rag U kaco Rabina aqbalo wey Rumoobaan

 

Waxaad Ogaata IN Madaxweyne walba Taariikhdu xusi Doonto Wax Qabadkiisa iyo Dhaliishiisa ba Waxaanu indhaha  ku hayn doonaa Hawlahaa waaweyn ee Qaranka Hor yaala Sidaad U maarayso Adigoo adeegsanaya Kari,awood,hawlkar nimo,una Talo badsanaya Ilaahayna la kaasho wax Rag U kaco Rabina aqbalo wey Rumoobaan

 

Qalinkii Yassin Dhamac

Sweden Göteborg

Advertisement

Ku Xayeysiiso