Ma taqanaa cudurka dilagaa ee dadka somaliyeed uun ku dhaca ?

Somali cudur cudurada uga xun ayaa ku dhacay , cudarada dawo ayaa loo helay lagu daweeye kan dawo loowaa ilaa casrigan aynu ku jirno , waayo waa cudur dadka somaliga u gaara oo aan caalamka kale lawadaagin , se hadii caalamka horumaray laga heli lahaa , ama uu ku dhici lahaa , bari hore ayaa daawooyin loo samayn lahaa dadkaa u hayaa ku caafimaadaan , laakiin calal asif , cudurkaasi dadka soomaliga ee aan fikirin waxna soo saarin ayuu ku dhacay , oo uu baabiyay haday tahay ciroolaha u wayn .

Maxaan ciroolaha ugu wayn ka shegaya , ka iimka raad baradka noqday , ayaa sida ataxiyaadka labaraa oo lagu ababiyaa hadanu intaa sheegina la cayaa , lacanaantaa oo qasab lagu baraa siduu abtirisiimo labaatan eray kor u dhaafaysa uu u garto , hadhaw markuu kobcana cudur ku noqdaa bulushaduu lanoola , oo ayaguba cudur sii ah aan waxba dhaamin kan iimka usoo kobcay , dabadeeto la isla washaa oo ay noqdeen dhamaan bulusho cudurkaasi afeeyay , burburiyay oo xitaa mararka qaarkood ay aakhiro isugu diraan oo iilka madaw badankoodu cudurkaa daradii ay u galaan , haa , iilka madow ee cidlo cirsigaa .

Masiibooyinkaa aan sheegayaa waxay ka soo asaasmaan qoysaska ka jira bulushadeena , hadhawna waxaa laga cabanayaa qabyaladaa yar iyo wayn ina samaysay .

meeday diintii aynu haysanay ee islaamka ahayd ee inoo sheegaysay in qofka agta ilaahay ugu karamada badani yahay ka ugu alle kacabsiga badan ? mise diinba mahaysanee afkaybaynu ka sheganaynaa ?
hadaynu se haysano oo sidii alle rabay ugu dhaqmayno ma qabyaalad ayaynu isku tixgalin lahayn ? ma qabyaalad ayaynu isku shaqo gayn lahayn ? ma qabyaalad ayaynu aakhiro isugu diri lahayn ? cudurkasi inamuu aafeeyeen hadaynu diinteena si saxa ugu dhaqmayno oo aynu ka run sheegayno .

Maanta tiro maleh inta dad somaliya xerooyin qaxoontiya mu caawino ugu jirtaa , tiro maleh inta qurbahaa dhibta badan qaxoonti u joogtaa , iskubuuqna ku dilay , tiro maleh dadkeena badwayntaa iyo saxarahaa qalalan ku dhamaaday , waxaasoo dhana waa natiijadii laga dhaxlay ee uu cudurka ina aafeyay uu keenay .

Meeye culumadii jahliga dabar jaraysay ? meeye aqoonyahanadii waxbartay ? meeye ciroolihii lagu dayn lahaa ? nasiib daro badankooda ayaa ahba masiibada iyo meeshuu cudurkaasi kasoo asaasmo

Ugu danbayn qabyaalada hala iska daayo afkun laga hayo aynu iska dhaafno , oo haday inaga dhabtahay , jiilka iimka soo kacay abtirisinimada lagu akhrinayo , ee sidoo kale lagu barbaarinayo halaga daayo kuwaas ayaa laga yabaa inay inoo noqdaan kuwii dabar jiri lahaa cudurkaa aynu dawadiisa lanahay ee sidoo kale ina curyaamiyay

mohamed abdirahmaan (dhumiye)
Allaa mahadleh

Advertisement

Ku Xayeysiiso