Muxuuu yahay barmaamujka shaqo qaran?maxay tahay faa,iidada Somaliland maanta ugu jirta? (W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kaga dhawaaqay jaamacada hargeisa barmaamujka shaqo qaran oo ku cusub guud ahaan dalkeena kaas oo dad badani is waydiiyen muxuu yahay barmaamujkan madaxweynuhu ku dhawaaqay,maxayse tahay faaiidada dhalinyarada somalilamnd ugu jirta.
Taariikhda barmaamujka shaqo qaran iyo qababka looga isticmaalo wadamada caalamka
Barmaamujka shaqo qaran ee madaxweynaha Somaliland Muse Biixi Cabdi ku dhawaaqay waa mid ka mida barmaamujyada caalamiga ah ee dalal badani u isticmalaan dhisida iyo tayaynta dhalinyaradooda iyago uga faaiidaysanaya arimaha difaaca, mashaaricda waawayn ee dalka lagu horumarinayo, bal aan yara dul istaago sida uu ku bilaabmay barmaamujkani caalamka.
Barmaamujka shaqo qaran(National Service) wuxuu markii ugu horaysay ka bilaabmay dalka boqortooyada ingiriiska (United kigdom) sanadii 1939 iyadoo qadatay wakhtiga nidaamka waajibka ka dhigaya barmaamujkan (compulsory) dhalinyarada raga ah da,doodu ka waynayd 18 sano jirka mudo hal sano ah iyo wax kabadanba iyadoo la dhisay xirfadahooda arimaha difaaca dalka iyo ka qayb qaadashada barmaamuyada horumarineed ee dalka, sidoo kale barmaamujkan shaqo qaran waxaa leh dawlada Maraykanka oo iyadu u bixisay magaca Selective Service oo u dhigma barmaamujka shaqo qaran, waxaana ka mida Peace Corps iyo American Corps .
Hadaba maanta wadamada addunku nidaamkan shaqo qaran waxaa loo isticmala laba qaybood oo kala ah in dhalinyarada dadu ka wayn tahay 18 sano si xoriyada (voluntary )ugu biiran barmaamujka shaqo qaran lana dhiso xirfadahooda arimaha difaca dalkooda, xirfado kor loogu qaadayo aqoontoda shaqo iyo balse wadamadasi waxay ku kala duwan yihiin wakhtiga uu qadanayo barmaamujkan shaqo qaran sida 3 bilood, 6lixbilood iyo sanad, sidoo kale barmamujkan waxaa waxaa loogu talo galay ardayda dugsiyada sare iyo jamacadaha dhamaysa wadamada isticmala barmaamujkana waxaa ka mida Sweden,Tanzania. United Kingdom iyo United States

Qaybta labaad ee barmamujka shaqo qaran waa nidaamka waajib ka dhigaya dhamaan ardayda ka qalin jabisa dugsiyada iyo jaamacadaha dalka ee da,dodu ka wayn tahay 18 sano in ay ka qayb galaan nidaamka shaqo qaran hadii kale dawlada kama heli donaan shaqooyin iyo dhamaan adeegyadii xaqa muwaadinimo ay u lahaayeen sida caafimadkii,wadamadaasna waxaa ka mida Cyprus, Burma, Brazil, Egypt, North Korea,
Maxay tahay faa,iidada Somaliland u ledahay barmaamujka shaqo qaran
Barmaamujka shaqo qaran ee madaxweyne Biixi ku dhawaaqay waxay qarankan iyo dhalinyaradiiisaba u leedahay faa,iidoyin badan waxaana ka mida kuwan soo socda:
1)waxay barmaamujka shaqo qaran xoojiya amaanka guud ee dalka
Dhalinyarada dadoodu ka sarayso 18 jirka ee ka mid noqda barmaamujka shaqo qaran gaar ahan qaybta kaydka cidamada difaca dalka waxay qayb libaax ka qaatan arimaha difaaca qaranka ee xalad walba oo dalka looga baahdo iyagoo noqdamcidamada kaydka ee dalka.
2) Xoojinta is dhexgalka bulshada
Barmaamujkan shaqo qaran wuxuu xoojiya isdhexgalka dhalinyarada Somaliland kuwaas oo ku kala duwan aqoontooda waxbarasho, aqoontooda xirfadeed iyo deeganada ay ka kala yimaadeen.
3 Ka qayb qaadashada mashaaricda waawayn horumarineed ee dalka
Dhalinyaradani waxay ka mid noqon karaan kuwo ka qayb qaata mashaaricaha waawayn ee dalka dawladu fulinyso iyagoo dhalinyaradu halka ka heli karan shaqo balaadhan xoogooda iyo aqoontoodan iyo xirfadaha ugana faa,iidaysato dawladu barmaamujka shaqo qaran
4 barmamujka shaqo qaran wuxuu xoojinaya midnimada muwaadininta Somaliland
Dhalinyarada Somaliland ee ka qayb qaadanayaa barmaamujka shaqo qaran waxay baranayaan midnimada iyo isku duubnida dhalinyarada inay hawl walba oo qaran u wajahaan si isku duubniya, waxaana meesha ka baxda qabyaaladii iyo kooxaysigii danaha gaarka ee dhalinyarada looga faa,iidaysnayay
5 xoojinta cadaalada iyo sinaanshahah muwaadininta Somaliland
Dhamaan dhalinyarada shaqada ka doonaya dawlada waa inay soo maraan barmaamujka shaqo qaran taas oo meesh ka saaraysa dhalinyaradii layska qori jiray shaqada ee qaraabo kiilka iyo sharci darada lagu shaqaalaysiin jiray

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)
(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University
mukhtarian.net@gmail.com
00252-634241542

Advertisement

Ku Xayeysiiso