Madaxweynaha dalka Slovenia oo booqasho ku tagay Itoobiya

Addis Ababa, October 15, 2018 (ToggaHerer) – Madaxweynaha dalka Slovenia, Borut Pahor, ayaa booqasho saddex maalmood ah ku tagay Itoobiya iyo Midowga Afrika maanta.

Waxay noqon doontaa booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Sloveniaku yimaado Itoobiya tan iyo mudadii ay noqotay dal madaxbannaan oo ka go`ay Yugoslavia sannadkii 1991-kii, isagoo muujiyay rabitaanka ah in la dhiso xidhiidhka labada dal.

Intii uu socdaalka ku jooga Itoobiya madaxweynuhu wuxuu la kulmi doonaa saraakiisha sare ee Itoobiya oo uu ku jiro Madaxweynaha Mulatu Teshome si looga wada hadlo arrimaha ku saabsan xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

Waxaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat si loo xoojiyo xidhiidhka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso