Maxaabiis ka baxsatay xabsiga La dagaalanka Danbiyada Ciraaq + Sawiro

Shan maxaabiis ayaa Jimcihii ka baxsaday xabsi ku yaala gobolka Najaf ee koonfurta galbeed ee Ciraaq.

“Maxaabiistu waxay awood u yeesheen inay qodaan derbiga kana cararaan oo ay ka baxsadaan,” ilwareedka ayaa u sheegay warbaahinta.

Ila Wareedka ayaa intaa ku daray
“Hoggaamiyeyaasha amniga ayaa sii xoojiyey dadaalkooda gudaha iyo hareeraha gobolka si ay u raadiyaan una soo celiyaan xabsiga.

Ilo wareedyo ayaa intaa raaciyay in “maxaabiistu ay awood u yeesheen in ay god ka qodaan mari karo jidhkoodu darbiga xabsiga Karrar, gobolka Najaf,” isagoo intaa ku daray in dhammaan dadka baxsaday ay ku xukunaayeen dembiyo ciqaab ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso