Ma jirtaa il-dhaqaale oo mudan in la maalgashado maanta Somaliland? (Qaybtii3aad) W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi

Waxaynu ku guda jirnaa maqaaladeenii taxanaha ahaa ee aan u bixinay ma jirtaa il-dhaqaale oo mudan in la maalgashado maanta somaliland taas oo maqaalkii kan ka horeyey aan ku soo qadanay faa,iidada maalgalinta ay muwaadininta somaliland u ledahay maalgashiga kallunka iyo milixda ka buuxa badda dheer Somaliland oo lagu qiyaasay850Km2 kana buuxan khayraad kalluna oo aad u badan.
1 Fursadaha maalgalineed ee Warshada sibidhka ee Berbera
Warashada sibidhka ee Berbera waxay ku tala gobolka Saaxil, gaar ahaan halka ay ku taalo oo uu ka buuxo khayraadka sibidhka iyo noocyada kala duwan ee rinjiga,warshada sibidhka berbera waxaa la dhisay dabayaaqadii sanadii 1970, waxaana dhismaheeda iska kaashaday labada wadan ee Kuuriyada waqooyi iyo dalka Fransiiska, waxayna si rasmiya shaqada u bilawday bishii march -17 -1987 ayay kishkii ugu horeyey ee sibidha soo sartay , wakhtigaa laga bilaabo waxay soo saari jirtay maalin walba 12000 kiish una dhiganta 600 tan,waxayna qayb libaax ka qaadatay dhaqaalihii wadankii laysku odhan jiray Somalia,warashada sibidhka ee Berbera waxaa la xidhay bishii Apr -16 -1988kii waxanay shaqaynin inkabadan 30 sano taas oo ugu wacan tahay burburkii ka soo gaadhay dagaaladii dib dalka loogu xoraynayay, sidoo kale waxaaa warashada loo gaystay boob balaadhan oo hantidii iyo qalabkii ay ku shaqaynaysay warashadu taasan ka dhigtay mid fadhida inka badan rubuc qarni.
Faa,iido intee leeg ayay u yelanaysa maalgashiga warshada Sibidhka ee Berbera Somaliland
Maalgalinta iyo dib ukicinta warashada sibidhka ee berbera waxay Somaliland u ledahay faa,iido aad u baladhan oo dhan walba leh baal aan soo qaadano qaar ka mida:
 Maalgalinta warashada sibidhka berbera: waxay ka qayb qadanaysaa korodhka dhaqaale ee ku yimaada dhaqaalaha guud somaliland (GDP)
12,000 kiish malintii ×30cisho=360,000kish bishii
360,000kish×12 bilood =4,320.000 kish sanadkii
4,320.000 kish sanadkii ×$7 halkii kish maanta = $30,240,000 faa,iido ah sanadkii
 sidoo kale waxay kordhinaysaa dhaqaalaha ay ka helaan dadka shaqeeya(Disposable income) iyo kuwa ka siii baacmushtareeyaba.
 Shaqo abuuris balaadhan oo laga helo maalgalinta warshada sibidhka berbera iyadoo wakhtigii ay shaqaynaysay ay ka shaqayn jireen shaqaale ka badan 477 shaqaale hoosad ah iyo 60 khuburo ahaa taas oo maanta ay hubaal tahay in ka badan donaan tirade shaqaalaha warashada ka shaqayn doona maadama baahida sibidhka ee dalkeenu aad u badan tahay.
 Waxaa mesha ka baxaya sibidhkii dabada inoogaga iman jiray ee lacagta adag inagaga bixi jirty oo sanadkii ahaa 4,320.000 kish sanadkii ×$7 halkii kish maanta = $30,240,000, taa badalkeedana waxaynu inagu dhoofinaynaa xadi sibidha ah oo lacag adagi inaga soo gasho ( export promotion and import substitution)
Maxaa la gudboon shacabka Somaliland si looga faa,iidaysto Sibidhkeena?maxaase la gudboon dawladda Somaliland?
Dhamaan shacabka somaliland oo isugu jira ganacastada dalkan u dhashay, qurba joogta ku nool daafaha dunidda ee u dhashay Somaliland, ardayda ka qalinjabiyey jamacadaha dalka iyo bulshada oo samaysta iskaashato waxay u haystaan fursado dahabiya inay maalgashadaan warshado badan oo ay ku jirto warshada sibidhka ee berbera oo baahi wayn maanta lo qabo guud ahaan somaliland,
Hadii maalgashadayaal ajaanib ah damcaan in saami ku yeshaan warashada sibidhka ee berbera iyagoo raacaya sharciyada maalgalineed ee dawalada Somaliland waxay dawladu hadii ay ku qanacdo in loo bahan yahay maalgalintaa waa la siin karaa.
1) Dawalada Somaliland waa in ay saami ku yelataa warashada sibidhka ee Berbera diyaarisana sharciyadii lagu hagi lahaa nidaamka maamul ee warashada sibidhka ee berbera.
2) dawlada Somaliland waa in ay samayso sharciyada kala xadaynta ganacsiga Somaliland.
3) Dawlada Somaliland iyadoo dhiirigalinaysa wax soosaarka dalka waa in sibidhkii dabada inooga yimaada la joojiyaa taa badalkeedana kan dalka la dhiiri galiyaa.

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)
(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University
mukhtarian.net@gmail.com
00252-634241542

Advertisement

Ku Xayeysiiso