Dadnimooy Ooy!: Maanso By; Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

Dadnimooy ooy iddaa

Damiir nooloow gilgilo

Dareen nuguloow ilmee

Dubaaxi jidhkoow dhaqaaq

Damqoo u nax jaallahaa

Dirgoo ku dhawaaq xaqana

Xumaha daadafee waqaa

U diirnax intiinna nugul

Adigu daadihi samaha

Dadnimooy ooy iddaa

Dulmiga diid oo ka toos

Digtoonoow oo ha ledin

Haddana darandoori orod

Difaac iyo weerar qaad

Dagaal weeyee badheedh

Dibnaha ka dhawaaq ortoo

Derbiga jebi oo ka bood

Duufaanta sideeda jiidh

Dabaylaha raac cirkoo

Daruuraha roobka qaad

Da’oo naga maydh naxliga

Dabeed sida daadka xaaq

Dawiyo noo noqo naseex…

Dadnimooy ooy iddaa

Waxaa ina degey jahlee

Dunidan isu guuraysee

Dayaxa qaar ay degeen

Dagaari ka shaahayaan

Ummado kala diir ahaa

Weliba kala diin ahaa

Derseen oo wada degeen

Hablaha kala doonayaan

Maxaynu u daba marnoo

Innagu isu duudsinoo

Innagu isu dooxaynaa

Maxayna derderay dadyoow

Dadnimooy ooy iddaa

Inaynu damiir la’ nahay

Waxaa u daliila taa

Dorraato wixii dhaciyo

Dabkii lagu shiday Mukhtaar

Deerona deero u herdiyin

Waxaase ka daran midkaa

Dalkaba nimankii xukumay

Geerida deriskooda taal

Miyaanay u diir naxayn

Hooyada diifaysan iyo

Ubadka dalanbaabiga ah

Miyaanay dareensanayn

Duullaankii qaawanaa

Dabkiyo gaastaba lahaa

Raggiyo dumarkaba lahaa

Kuwii uba doodi laa

Miyaanay ka diirahayn

Miyaanay dareen lahayn

Jidhkoodu dubaaxinayn

Maxaa dibnahooda xidhay.

Dadnimooy ooy iddaa

Dalkeed moogeey ku mee

Durbaan badaneey ku nacay

Dadkeeda gaba’eey ku tebey

Xukuumaddan daabaca ah

Dillaalkiyo kaariga ah

Iyada doorkeedii mee

Waxaaba ka daran midkaa

Kuwii duubku u xidhnaa

Maxaa danbaskaa ka dhigay

Waxaaba ka daran midkaa

Maxaa shacabkii ku dedan

U diiday inay kacaan?

Dadnimooy ooy iddaa

Dulmaa loo hiiliyee

Anigu diidoo nacee

Udood dulmanaha u dood

Ka diir xumihiyo dullliga

Dabkiyo hubka qaado oo

Qoriga degta saara’oo

Dabaabaad guuxayiyo

Diyaarado raadso’oo

Duqee hooygii denbiga

Adigu dabargoo nacayb

Dirsooca dhammee abkii

Dadnimooy ooy iddaa

Bal eeg dannigiyo shakiga

Deriska la faquuqay eeg

Bal eeg daalkaa la badey

Dadkaba kii kuugu xigey

Bal eeg daranyada la sudhay

Ninkaad wada daaqayseen

Bal eeg dirqiguu ku jiro

Daryeel kii kaa mudnaa

Bal eeg dulumkiyo xiqdiga

Duleedinta laysku wado

Bal eeg duudsiga qayaxan

Dacaayadda faasidka ah

Bal eeg sida loogu degay

Nin aan daaniyo dhib gelin

Bal eeg sida loo dig dhebey

Dab iyo gaas loogu shubay

Bal eeg digashada silloon

Sidaan hoos loogu deyin

Bal eeg damqashada huqda ah

Difeeetada aan hadhayn

Hal baanse kusoo dabriye

Dadkuba waa siman yahoo

Duudii nabi Aadan iyo

Xaawa dihatoo dashoo

Dirkeennu mid weeya qudha

Dub iyo jiidh baynu noo

Dux iyo laf qudhaynu noo

Waxaa ina deeqa samo

Waxaanse ku dayrayaa

Duqii Weji hay maqlee

Dashii Dawlona ugee

Nin deemani moog warkaa

Dulmane waa ciil qabaa

Duuggana isagaa u hadhi

Allaha Daa’inkaa u maqan

Dulmiga isagaa ka qaban

Danbaysona waa halkeed

DANBAYSONA WAA HALKEED.

dalmarbilaal@gmail.com

Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

Advertisement

Ku Xayeysiiso