Somaliland halloo qiro waxa ay qabsatay

Somaliland halloo qiro waxa ay qabsatay

Isha kaliya ee manta soomaali ka bidhaamasaa waa somaliland.

Taas oo muddo toddobiyo labaatan sannadood haysay hayaan iyo geedi aan ilaah mooyee Cid kale la garab qaban.

Dadka reer waqooyiga, oo ah dad dhaqan ahaan iyo saqaafad ahaan iyo umad ahaanba dabka Kala qaata ,sinnaba ukala maarmiin kanna kooban dadka LA isku dhaho shimmaaliyiinta, ayaa ah dad callool furan,wanaag badan oo dub wanaagsan.isla markaasina hadday hellaan Cid wax uqabanasa unugul .

Kudarsoo dadkani waxay ahaayeen dadkii raadinayay shantii soomaaliyeed, kuriyoonayay wax kastana usamaynayay ka midho dhalinteeda . arrintaasi oo noqotay mid lagu hungoobay.

Somaliland waxay jirtay 27sannadood waxbadan oo wanaagsan way qabsatay oo ah nabad galliyo oo ah nicmada ugu weyn oo alla ku gallado umad.Taas oo waajibaadkeeduna tahay shukrin.

Waxbadan oo la gaadhina way jiraan lakiinse hadda xukuumad cusub waxaan kudardaran galinayaa inay ka go’naato ladagalaanka musuqmaasuqa.

Waayo sidii musuqmaasuqa LA isku barray ayaa LA isku Bari karaa Bila musuqmaaasuqana

Waaan hubbaa oon hubbaa haddii waxkaste sidaacada loo qabto inay kuu aayi doonaan jiilalka danbe.

Takale waa inay waxba ka sugin reer somaliland cidna oo iyagu wax qabsadaan.dulqarnayn ayaa soo maray qoom deedna waxay u sheegeen inay yaajuuj wamajuuj ay arladii fasahaadiyeen iyagoona ka dalbaday inuu xalkeeda keeno

Dulqarnayn wuxuu ku yidhi awoodiina igu caawiya oo ii keena Subaru xadiid dulqarnayn iyo qoomkii waxayla xaamadeen buurtii dulqarnayn wuxuu tusayay qoomkii inay iyagu shaqaystaan oo Cid kale waxba ka sugin.

Takale caddaalada halagu dadaalo oo halaga shaqeeyo sinaanta. qabyaaladan baasna halla maareeyo. Oo intii LA tirtiri karo hala tirtiro.

Waxaan kusoo xidhayaa hala amino waxqabad iyo shaqo wax waliba ilaahay Halla tallo saarto
Hamse riiraash

Advertisement

Ku Xayeysiiso