Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Dhibta Ay Leedahay Han Weynidu (Qaybtii 23aad) By: Maxamed Xoosh

 

Wey Fiican Tahay In uu Qofku Han Yeesho Una Shaqeeyo Sidii Uga Midho Dhalin Lahaa Balse Waxaa Dhib ah Inuu Aad u Han Weynaado “Wuxu Noolaadaa Nolol Aan CAADI Ahayn” Guulaha uu Gaadho Oo Dhami Uma Dhadhamaan

Qofku Marka uu Han Dhexdhexaad ah Leeyahay Wuxuu Ku Noolaadaa Nolol Farxad Iyo Rayn Rayn Leh Guulo Badan uu Doonaayayna Wuu Gaadhaa

Waxa Jiray Nin Aqaanay Han Weynaa Isaga oo Yar Ayuu Guulo Badan Ka Gaadhay Nolosha Dhinacyo Badan Dhibtu Waxay Ka Taagnayd Isagoo u Haystay In Aanu Libin Ka Gaadhin Nolosha, Waxa Ilaahay Ugu Deeqay Rubuceed Ayay Qayrkii Ku Riyoonayaan, Waxa Saluugsanaa Xilalka u Sareeya ee Siyaasada Laga Gaadho…..

Waxa Jiray Isna Nin Han Lahaa Oo Nolosha Meel Hoose Ka Soo Bilaabay Mar Danbe Wuxu Ka Gaadhay Guulo Badan Aanu Ku Riyoonayn “Nolosha Ayuu Raali Ka Ahaa” Sidaa Awgeed Iyana Waa Soo Dhawaysay, Wuxu Raali Ka Ahaa In uu Mar Golayaasha Shacabka u Tartamay Waanu Ku Faraxsanaa ….

Labadan Tusaale Waxaad Ka Dhex Dheegan Kartaa Saaxada Siyaasada Ee Somaliland Ee Bulshada Yar Iyo Weyni Isku Cidhiidhsadeen ee Ninba Heerka uu Taagan Yahay Raali Ka Yahay Ama Saluugsan Yahay

Guulaha Qaarkood Somalidu Waxay Yidhaahdaan Nasiib Ayaa Siiyay Waxay Se Ilaabaan Inaan Midho La Goosan Iyada oo Aan Tacab Badan La Gelin Siyaasaduna Wey Ka Xad Jirtaa Waxay U Baahan Tahay Fahan Iyo Akhris Badan Iyo Diinta Iyo Dhaqanka Oo Wax Badan Ka Taqaanid Iyo Hibo Iyo Garasho Badan Ilaahay Bixiyo……

 

Kolay Uma Baahna Xisbiyadu Shaandho Ama Kala Reeb Waayo Badda Siyaasadu Iyadaa Soo Tufta Ninka Ay Garan Weydo

 

Maxamed Xoosh

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso