Maamulka Gobolka Tigray oo Laalay eed loo haystay 43 Eritrean ah

Addis Ababa, October 11, 2018 (ToggaHerer) – Dawladda gobolka Tigray ayaa tuurtay dacwad ku oognayd 43 qof oo Eritrean ah.

Sida laga soo xigtay Amanuel Assefa, oo ah madaxa xafiiska caddaaladda gobolka , waxaana lagu eedeeyay inay si sharci darro ah u soo galaan gobolka .

Waxaana la xidhay ka hor intii aan la saxiixin heshiiska nabadda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea bishii July, ayuu yidhi.

Xukuumadda gobolka ayaa tuurtay eedeeymaha iyaga oo qaba aragti ah in kor loo qaado xidhiidhka labada dal, ayuu ku soo gabagabeeyey.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso