Trump oo ugu Yeedhay Khadija Haweenyada Khashoggi inuu kula kulmo Aqalka Cad Sheegayna inuu doonayo inuu Helo Runta

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu wadahadal kala yeeshay hoggaamiyayaasha Sacuudi Carabiya waayitaanka saxafiga Jamal Khashoggi, isagoo sheegay inuu doonayo inuu ogaado dhammaan xaaladaha kiiska.

Trump ayaa Ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray maanta oo Arbaca ah in uu dhawaan wadahadal kala yeeshay Sucuudiga heerka ugu sareeya qadiyada Khashoggi ee la waayey, isaga oo intaas ku daray in tani ay aad u xun tahay.

Madaxwaynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu doonayo inuu ku casuumo guriga cad haweenayda Saxafigan Khadija si uu uga la hadlo arrinkan.

Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu si dhow ula shaqeynayo Turkiga arrimaha ku saabsan xaalad Khashoggi waxaanu xaqiijiyey “Waxaan u maleynayaa inaan heli doonno runta.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay in uu doonayo in uu runta helo isagoo yidhi: “Dadku waxay arkeen in Khashoggi uu galay (qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul) kana soo bixin.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso