Madaxwene ku Xigeenka Maraykanka Bens : Way noo Furan tahay in aanu u dirno koox baadhayaal ah oo u socdaala Turkiga haddii Riyad na waydiisto inaanu ka caawino baadhitaanka Khashoggi

Madaxwayne Ku Xigeenka Mareykanka Mike Bens ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa ay u furan tahay inuu u diro koox baadhayaal ah dalka Turkiga haddii Riyad ay dalbato caawimaad si loo baadho waayitaanka saxafiga Sucuudiga ee Jamal Khashoggi.

Bens ayaa yidhi Mar Su`aal laga waydiiyay dhacdadan “Waxaan u maleynayaa in Maraykanku diyaar u yahay in uu wax walba ka caawiyo badhitaanka.”

Weriyaha Sacuudiga qoraaga-na ah ee Jamal Khashoggi ayaan weli aan la ogeyn masiirkiisu halka uu ku danbeeyey tan iyo markii uu galay qunsuliyada Sacuudi Carabiya ee Istanbul bishan Labadeedii isaga oo aan ka soo bixin Qunsuliyada.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso