Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Xeelada Siyaasada (Qaybtii 22aad) By: Maxamed Xoosh

Boqor Boqorada Ka Mid ah ayaa Go,aan Soo Saaray uu ku Joojinayo in
Dumarku Xidhaan Dahabka iyo Wixii la mid ah ee Dumarku isku Quriyaan
oo dhan. Waxa ka Dhashay Go,aankaa Buuq iyo Qaylo iyo Diidmo iyo
Weliba Dumarkii oo aad u Xidhay Dahabkii iyo wixii la isku
Qurxinaayay.

Boqorkii ayaa Wareeray oo Yaabay Wuxuu Sameeyo ayuu Garan Waayay Talo
Ayaa ku Cadaadtay

Wuxuu iskugu Yeedhay la Taliyaashiisii. Mid ka mid ah la
Taliyayaashiisa ayaa ku Taliyay inuu ka Noqdo Go,aankaa  Waayo Kuma
Jirto  Danta Guud, Mid kale ayaa Yidhi Hadaynu ka Noqono Waxay Tilmaam
u Noqonaysaa Jilayca Dawladda Markaa Waa inaynu Muujinaa Awoodeena, La
taliyaashii Laba ayay u kala Qaybsameen Qolo Taageersan iyo Qayb ka
soo Horjeeda Mucaarid ku ah Go,aanka Boqorka, Boqorki ayaa Doodii
Joojiyay. Wuxu yidhi Boqorkii iigu yeedha Ninkii  Magaalada ugu
xigmada badanaa “Indheergardka” Markii  uu Yimid Ninkii ayaa loo
Sheegay Dhibtan soo Food Saartay Boqorka

 Wuxu yidhi Ninkii Xikmada Badanaa Boqorow Dadku Ku Ogolaan Maayaan
Hadaad Ku Fakartid Waxaad Adigu Doonaysid oo Aanad Hoos u Eegin Waxay
Iyagu Doonayaan
Boqorkii Ayaa Yidhi Maxaan Yeelaa ? Maan ka Noqdaa Go,aanka!

Maya Ayuu Yidhi Balse Soo Saar Go,aan Leh Waxaan Mamnuucnay Inay
Dumarku Gashadaan Dahabka iyo Wixi ila Mid ah Waayo Dumarka Quruxda
Badani Uma Baahna inay is Qurxiyaan …..Sidoo Kale Soo Saar go,aan  aad
Kaga Reebayso Dumarka Fooshaxun, oo aad Leedahay si ay Foolxumadooda
ugu Kabaan iyaga waa loo Ogol Yahay Dahabka iyo Wixii la Mid ah
(Ilaahay Ayaa Qurux iyo Foolxumo Hayee Waa Sheeko Aan Cidna u Jeedin).

Go,aankii ayuu Boqorku ku Dhawaaqay … Marka laga Joogo Saacado ayaa la
Waayay Dumar Dahab Gashan oo Gabadh Waliba isku Aragtay Inay
Quruxbadan Tahay oo Aanay u Baahnayn Dahab.

Ninkii Xikmada Badanaa Ayaa ku Yidhi Boqorkii Imika Ayay ku
Ogolaanayaan Dadku Markaad Dadka Caqligooda ku Fakartid oo Ogaatid
Waxay Danaynayaan oo  Dareenkooda Dhex-qaadid kolay Luqada Lagula
Hadlaaayo Shacabku Waa Inay Noqotaa Luqad ay Fahmayaan Waxa Haboon in
Go,aanka Xukuumadu ay Qaadanayso iyo Rabitaanka Dadku Is Qaataan Si
Himilooyinkeena Loo Xaqiijiyo

Dadka Caamada Ahi Waxay u Haystaan In Xukunku Yahay Sida Laba Qof oo
Saaxiib Ah Oo Marna Colooba Marna Sxb ah oo Hadii ay Kursiga Fuulaan
Wadaagaaya Dadka Qaybna Fogaynaaya Qayna Soo Dhawaysanaaya !!!

Advertisement

Ku Xayeysiiso