Ma jirtaa il-dhaqaale oo mudan in la maalgashado maanta Somaliland? (Qaybtii2aad) W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi

Ma jirtaa il-dhaqaale oo mudan in la maalgashado maanta Somaliland? (Qaybtii2aad) W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi
Waxaynu ku guda jirnaa maqaaladeenii taxanaha ahaa ee aan u bixinay ma jirtaa il-dhaqaale oo mudan in la maalgashado maanta somaliland taas oo maqaalkii kan ka horeyey aan ku soo qadanay faa,iidada maalgalinta ay muwaadininta somaliland u ledahay maalgashiga kallunka ka buuxa badda dheer Somaliland oo lagu qiyaasay850Km2 kana buuxan khayraad kalluna oo aad u badan.
1 Fursadaha maalgalineed ee Milixda laga sameyo badda Somaliland
Sidaan ka warqabno Somaliland khayraadka ay ay ledahay ee u baahan in la maalgashado waxaa ka mida milixdda oo ah waxyaabaha addamaha aanu sinaba uga maarmi Karin kaalin mihiimana kaga jirta noloshooda,inagoo taas ka dulayna maqaalkenan labaad waxan ku soo qadanaynaa fursaha maalgalineed ee maanta uga banaan bulshadeena.
Xagee laga soo saara Milixdda dabeeciga ah?
Milixdda ayaa Si dabiici ah looga helaa biyaha badaha taas oo halkii litir ee biyaha bada ah 35g ayaa Cusbo ah una dhiganta 3.5%. milixdda daceeciga goobaha ugu caansan ee dalkeena laga soo saro waxaa ka mida Tokhoshi oo kamida gobolka Salal halkaas oo ganacsato reer Somaliland ah ka soo saran xadi milixdda dabeeciga ah ee badda laga sameeyo.Waxaynu ognahay sida muhiim ugu tahay nolosha bili aadamka taas oo ka dhigaysa shay aan marnaba laga waayi Karin guri iyo goob walba oo lagu sameeyo cuntooyinka kala duwan ee la cuno, baahidaa loo qabo milixda (demand of salt) ayaa ka dhigaysa mid aan marnaba dalabkeeda la joojin.
Kharashka maalgalinta wax soosaar milixdda dabeeciga ah ee dalkeena (Cost of production ) aad ayay uga maalgalin yartahay Kallunka oo aan maqaladenii hore ku soo qadanay madama aanay u baahnayn milixddu wax alaab cedhina oo dabada ka yimada kana qayb qata habka loo sameeyo ,taas badalkeedana ay ganacsatadu ka heli karaan xadi faa,iido oo badan.
Ma jiraa suuq Dihin oo manta milixdda Somaliland looga baahan yahay
Sida aan kor ku soo sheegnay milixda oo ah shay aan nolosha sinaba looga marmin mihiimna u ah nolosha dadka taasi waxay ka dhigaysaa shay leh suuq (Market Demand)dadka cilmiga dhaqaalaha bartaana waxay u yaqanan shayda sida milixdda oo kale ah( inelastic demand) taas oo ah shayada hadii qiimayashoodu qaali garoobo aan marnaba baahidoodu is dhimin loo bahan yahay,dhanka suuqayada Somaliland waxaa looga bahan yahay milixdda dabeeciga oo aad u u badan.
Suuqa ugu wayn waxsoosarka milixdda dabeeciga Somaliland waa dalkan aynu leenahay xidhidhidhada ganacsi ee mudada badan soo jiray ee Ethiopia oo tirade dadkisu ka badan yihiin 100 million isla mar ahantaana aan lahayd wax badda,dalkan oo inoo soo dhoofiya alaabta ay ka midka yihiin Qaadka,Caanaha,khudradda, iyo Sibidhka, hadaba si aan xidhiidhka ganacsi u dheeli tirno waa in Somaliland u dhoofisaa Kallunk iyo Milixdeena loona sameyaa xidhiidh ganacsi oo dheelitiran(Trade balance) sababtoo ah xidhiidhka ganacsi ee Ethiopia inaga dhexeyaa ma dheeli tirna ee dhan buu ka raran yahay Somaliland waxay ku jirtaa waxaa xidhiidhada ganacsi caalamiga ah loo yaqano (Trade deficit)
Maxaa la gudboon shacabka Somaliland si looga faa,iidaysto Milixda dabeeciga ah baddena?maxaase la gudboon dawladda Somaliland?
Dhamaan shacabka somaliland oo isugu jira ganacasto,qurba joogta ku nool daafaha dunidda ee u dhashay Somaliland, ardayda ka qalinjabiyey jamacadaha dalka iyo bulsho waynta Somaliland oo samaysta iskaashato waxay u haystaan fursado dahabiya inay maalgashadaan shirakado soo sara Milixdda dabeeciga dalkeena oo ay ka heli lahaayeen xadi macaasha oo aad u baladhan, sidoo kale waxay abuuri lahayd kor u kac dhaqaale iyo shaqo abuuris balaadhan oo shacabka somaliland ka helaan
Dawaladda Somaliland waxaa la gudboon in ay gadhwadeen ka noqoto sidii ganacsiga milixda dalka laga soo saray ugu fududayn lahayd in wadamada iyagu alaabta inoo keena sida Ethiopia ganacsigena u aqbali lahayeen, dawlada Somaliland waa inay fududayso dhamaan shurucda maalgalineed sida ogolanshaha License , waa in la sameyaa sharcigii kala xadaynayay ganacsiga dalka, waa in la sameyo wadooyin fududeya goobaha wax soosarka iyo meelaha looga bahan yahay, ee muwaadininta reer Somaliland ee ka faa,iidaysanaya khayraadka dalkooda sida kan wax soo saarka Milixdda dabeeciga baddena o

Advertisement

Ku Xayeysiiso