Siyaasiyiinta ka shaqaynaysa wiiqista gooni isu taaga jamhuuriyada somaliland mohamed osman

Waxaynu nahay bulsho dhibaata badan usoo martay gooni isu taaga jammhuuriyada Somaliland, walina waxaa inaga muuqda boogihii ay inagu rebeen rajiimkii aynu is raacnay 1960.

Inta badan bulshada jamhuuriyada Somaliland waxay ku adkaysanayaan ka mira dhalinta qadiyada gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland.

Ka madaxwayne mustaqbal ahaan dulucda qoraalkaygu wuxuu yahay wararka soo baxay, kuwasoo ah kuwa isa soo taraya in laga hadlaana ay waajib inagu tahay, bulshadana ay tahay inaynu  u iftiimino,

1.      Siyaasi ka tirsan Somaliland oo in muddo ah ku maqnaa mogdisho mar waraysi laga qaadayay wuxuu sheegay inuu xamar ka yimid madaxwaynahana uu doonayay inuu waxbadan oo ka jira Somalia kala hadlo balse uusan wali madaxwaynaha la kulmin, arinkaasi wuxuu muujinayaa inay Somaliland gashay xaalad kale,

2.      Xubin sare oo ka tirsan guddida ictiraaf raadinta jamhuuriyada Somaliland mar waraysi laga qadaayay waxay sheegtay hadii la helo dowlad sax oo ka talinaysa Somalia wadahadaladana ay sii socdaan wixii la isku afgartaa waa la qaadanayaa,

hadalkana wuxuu keenay shaki laga shakiyay siyaasiyinta ay umadani ka eegaysay inay ka mira dhaliyaan gooni isu taaga ay doonayaan.

3.      Waxaa jira siyaasiyiin wali aaminsan midnimada Somalia inay tahay muqadas kuna sugan Somaliland, kuwasoo Somaliland guddaheeda ka wada fakarka ay aamin sanyihin siday bulshada ugu kala qaybin lahayeen.

4.      Waxaynu kaloo la soconaa hawadii ay lahayd Somaliland in laga xukumo Somalia, intaa waxaa dheer basaboorkii Somalia ay lahayd in laga bixiyo caasimada Somaliland ee hargeisa, inta waxaa sii dheer hay’addihii ka hawl gali jiray Somaliland ee sida madaxa banana umadan ugu shaqayn jiray dhamaantood inay hoos tagaan Somalia. taana waxay cadaynaysaa mad madowga ku jira gooni isu taaga jamhuuriyada Somaliland

5.      Siyaasi qalbi dhagax oo ah mas’uul aaminsan midnimada Somalia in si wayn loogu soo dhaweeyay Somaliland madaxdii aynu u dooranay inay adkeyaan qadiyada gooni isu taaga aynu arkaynay iyagoo si wayn usoo dhawaynaya.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan ugu baaqayaa siyaasiyinta ay qusayso qoraalkan inay qataan dareenka bulshada ay siyaasiyiinta u tahay, dareenkasina ay kula shaqeyaan

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso