LONDON HABEEN LAGUMA DHISIN.

Ku hamiga iyo hiigsiga wadamada hore u maray halka ay joogaan ee la hawaysanaayo Waxa haboon in horta si dhab ah loo darso loona fahmo sida ay ku gaadheen heerka ay maraayaan iyo horumarka ay aduunka hormoodka u yihiin.

Haddii aan tusaale usoo qaato UK ama ingiriiska iyo magaalo madaxdiisa London /lLondhan.

Magaalada London waa magaalo baxadweyn ku fadhida Una soo hoydaan dad 8 milyan gaadhaya se tirada guud ee dadka ku sugan ilaa 11 milyan wey gaadhayaan waa tirada guud ee ay ku jiraan dadka soo booqda iyo kuwa usoo shaqo taga ee ka caraaba, waa magaalo leh dhismayaal qadiimiya Waxa kuyaala guriga looga taliyo dalka waana guri dhisan mudo KUN sanadood gaadhaya hadayna ka badnayd oo intaaba talooyinka iyo shuruucda dalkaa lagu gorfaynaayey, waa magaalo dhisan oo leh adeegyada bulshada kuwa ugu tayada wacan aduunka sida cisbitaalada, iskuulada, iyo gaadiidka dadweynaha oo iskugu jira Basas, Tareeno dhulka hoose mara iyo qaar dhulka guudkiisa mara sidoo kale doonyo iyo tagaasi qadiimi ah, sidoo kale waa magaalo nadiif ah oo leh xaarwadayaal iyo bulaacado dhulka hoos mara oo muuqan urna lahayn,sidoo kale waayirada laydhka kuwa tilifoonada, qasabadaha biyaha iyo qasabadaha gaastu kuligood dhulkay hoos maraan guri kastana wey ugu jiraan magaalada ilaa gebi ahaan wadankoo dhan, waxa kuyaala wadooyin magacyo leh oo ukala qabsan gaadhi mareen, bas mareen, baaskiil mareen iyo dad mareen, biriishyo iyo buundooyin casri iyo qadiim ah, guri kastoo magaalada ama dalka ku yaala lanbar buu leeyahay waxaana u ciwaan ah wadada marta iyo xaafada iyo nambarka waaxda sidaa laajigeed waraaqaha isgaadhsiinta ee boosta laguusoo dhigaa toos albaabkaagay kaaga soo dhacayaan, waxa kuyaala beero lagu nasto oo lagu laydhsado oo u kala qaybsan meel dhalaanku ku ciyaaraan oo shiirimiri iyo agabka caruurtu ku ciyaarto leh, meel kuraas lagu nasto leh, wadiiqooyin lagu dhex lugeeyo leh, dhir damal lahadhsado leh iyo dhul caws cagaara oo laga shaqeeyey leh Una dheeryihiin dhir ubax iyo qurxin iskugu jira, beerahaa xadiiqooyinka lagu laydhsado oo loo yaqaan (Park) waxay kuyaalaan xaafad kasta, wadooyinka dacaladooda sidoo kale dhir baa taxan lagu beeray, xaafad kasta Goob caafimaad, dugsi/iskuul iyo suuq u faras magaalo ah ayey leedahay laga helo Waxa yaala xaafad kastoo magaalada kamida Waxa yaala iyo guud ahaan dalkoo dhan.

Dadka ku nool iyo shacab weynaha dalka 100% waa dad wax qora waxna akhriya, waa shacab u hogaansan shuruucda dalka dhowrana maxaa yeelay waa shuruuc kafiirsasho,isla eegid, xal, cadaalad iyo Sinaan lagu sameeyey aan meelna laga soo minguurin ee dadka dalku samaystay,

Sidaa laajigeed Waxa dadka kala haga sharci aan Cidna u xaglin Cidna aan xaqiisa duudsiin.

Horumarka intaa leeg wax habeen, maalin, asbuuc, Bil, sanad lagu gaadhay maaha waa wax soo taxnaa mudo dheer se cadaalad iyo Sinaan u sal tahay iyo wax lawada leeyahay.

Hadal iyo dhamaan wax wada lahaansho iyo wax wada qabsi iyo cadaalad iyo daacad ayaa horumar lagu gaadhaa dal iyo dadkiina ku dhismaan ee qolyaha landhan iyo maraykanka aanu u gaadhi lanbar eekaano leh iyagoo caasimadoodii biriishkii qudhee ku yaalay uu dumaayow London habeen laguma DHISIN, haybna laguma DHISIN, Dawlad xaafadeedna laguma DHISIN, caddaalad DARANA laguma DHISIN.

Ilaahaybaa mahad leh

Midnimana Somaliland

Qalinkii Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso