Dr Abiy iyo Demeke oo helay Kalsoonida Xubnaha Xisbiga EPRDF mar labaadna loo doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga EPRDF

Addis Ababa, October 5, 2018 (ToggaHerer) – Xisbiga ka arimiya dalka Itoobiya ee Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front ayaa maanta soo gabogabeeyey shirweynihiisa 11aad.

Shirweynaha ayaa maanta dib loogu doortay Dr Abiy Axmed iyo Demeke Mekonnen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Xisbiga EPRDF.

Dr Abiy ayaa helay codad dhan 176 Cod ee codadka 177 xubnood ee xaqa u lahaa in ay codeeyaan halka Demeke uu isna helay 149 cod.

EPRDF ayaa waxa hogaaminayay Dr Abiy tan iyo March tii la soo dhaafay ka dib markii uu iscasilay Gudoomiyihii hore ahaana Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso