Fadeexada Ka Dhalatay, Kala Eexaysiga Madaxweyne Muuse Ee Jaamacada Inaadeerkii Iyo Jaamacada Burco. W/Q: Ibraahin Aadan Aw Qoobey

Dhalinyartii Burco ma daawadeen Muuse Biixi oo iska tagay xaflad aan laga casuumin??

Bil ka hor bay ahayd markii dhalinyaro ka qalin-jabisay jaamacada burco ay ku cawdeen in aanu madaxwaynuhu kala soo qayb galin xafladoodii taas oo madaxtooyadu ku dooday in aanay ka helin wax casuumad isla markaana aanu madaxwaynuhu iska tagin xaflada aan laga casuumin, wali ba waxay ku sii doodeen marka madaxwaynaha meel laga casuumayo xaflad ah waa in dhawr maalmood ka hor loo sii sheegaa si uu ugu darsado jadwalka shaqadiisa.

Hadaba maanta waxaan arkay isagoo madaxwaynihii xaflad aan laga casuumin iska tagay wali ba xafladaas oo uu joogay madaxwayne ku xigeenkiisa oo uu markii hore u diray inuu kala qayb galo.

Suaalahan ayaan iswaydiiyay.

Madaxwaynuhu ma xiise gaar ah ayuu u qabay xaflada jaamacada golis isagoo waliba madaxwayne ku xigeenkii sii joogay markuu tagayo?

Mar hadii uu iska tagay xaflada aan laga casuumin miyaanay been ahayn cudur daarkii ardayda jaamacada burco uu ugu jawaabay ee ahaa layma soo sheegin meel aan layga casuumina iskama tago?

Ma ardayda jaamacada golis ayaa ka qiimo badan oo ka mudan ardaydii jaamacada burco?

Siduu hadalkiisa ku daray madaxwaynuhu ee uu yidhi xiligii doorashada ardayda ayay ahaayeen kuwii xisbiyada soo saaray ee codkooda siiyay macnihiisu ma wuxuu ahaa ardayda jaamacada golis waa kuwii 100% isoo doortay taas noqonaysa ardayda burco inuu ka aaminsan yahay inaanay usoo halgamin doorashadii uu ku soo baxay isla markaana aanu isku halayn danbe kaqabin ee kuwa uu isku halaynayaa ee garab joogsanaya mar danbe iyo mar hore ay yihiin kuwa jaamacada golis maanta ka qalin-jabiyay?

Inaad saamo jiidiyo sanqadh tirasho kala daaa.

waxaan been ahayn inuu madaxwaynaheenu qabyaali caan baxay yahay oo waliba ku shaqeeya qabyaalada.

Hadalka afkiisa ka soo baxaya iyo ficilkiisu waa laba kala jaad oo aan isku dhawayn, qiirada, indho isku qabashada iyo ilmada yaxaas ee markuu qudbadanayno ka socotaa waa been, iska ma hadlaayo qalinkiisii iyo ficilkiisii iyo wax-qabadkiisii ba waan arkaa waxanu inagu wadaa siyaasada haysata jid xidhan oo aan lahayn meel looga baxdo

Ibraahin Aadan Aw Qoobey

Minsota Min USA

Advertisement

Ku Xayeysiiso