Imtixaanadii dugsiyada Somaliland ee sannadkan 2017/18 iyo waxa iiga baxay

Imtixaanadii dugsiyada Somaliland ee sannadkan 2017/18 iyo waxa iiga baxay.

Dhawaan waxa Somaliland lasoo gaba-gabeeyay baahinta natiijadii imtixaanaadkii sanadkan 2017/18 (ee fasalada 8aad iyo 12aad).

Qaybta aan qalinka u qaatay inaan erayo kooban ka dhaho waa arrinta ku saabsan ardayda DHACDAY imtixaanka. Muddo 10 sanadood ka badan ayaan macalin ahaa, kolkaa mawduucani si gaar ah ayuu muhiimad iigu leeyahay aniga.
Tirada guud ee ardayda waxa lagu sheegay, 28,000, qiyaas ahaan ilaa 12% ayaa dhacay Iskuulada sare. Halka 8% ay dhaceen dugsiyada dhexe. Tirada ardayda dhacday marka la eego, xoog uma badna ha se yeeshee ma ay ahayn in ay dhacaan!
Waa arrin eedeeda ay wada leeyihiin, Ardayga, Waalidka, Macalinka, iyo Xukuumadu (Xukuumaddu). Wadanka Kenya oo ah wadamada ugu waxbarashada wacan Africa sanadkii 2017 waxa dhacay qiyaas ku dhow 90% imtixaankii dugsiga sare (ku-dayasho inoo ma aha), Taas oo mac-naheedu yahay tobankii ardayba mid uun baa gudbay (VOA, 2017). Waxa aynu se ku kala duwanayn innaga (Somaliland) iyo Kenya in isla markiiba mucaarad iyo muxaafid la is waydiiyay waxa sababay musiibadan, oo kolkiiba laga hawl galay sidii wax looga qaban lahaa. Innaga nasiib darada jirtaa waxa ay tahay in haldoorkii umaduba aanu uba arag in wax dhaceen, oo haba yaraatee aanay wax talo ah ku darsan. Haldoorka umadda waxa la gudboonaa in ay ardaydaa najaxday u hanbalyeeyaan, kuwa salaanka ka siibtayna ay ku dhiiri galiyaan in ay dedaalaan, nasiib darro se ma ay dhicin!

TALO SOO JEEDIN:
(a) Marka ugu horaysa, gudida imtixaanaadka waxa aan leeyahay hadii sidii Ilaahay idinku ogaa aad u shaqayseen, hawl qiimo badan ayaa aad qabateen, halkaana ka sii wada.
Iyada oo aan mahad-naqaa u jeediyay guddidan ayaa hadana waxa barbar socda eedo tiro badan oo dadka qaarkii u soo jeedinayaan, oo ku saabsan aqoontooda, hab-raaca ay wax u saxeen iyo saluug wayn oo ka jira cadaaladooda. Si kastaba ha ahaatee wax aan ayyid-sanahay in Inanka ama inanta aan dadaalkii loo baahnaa bixin uu arrintaa qadhaadhkeeda dhadhamiyo maalinta natiijada.

(b) Waalidka iyo ardayga; waxa aan leeyahay, waxbarashadu ma aha in uu qofku iskuul subaxii tago oo kaliya ee waa in uu dadaal dheeraada muujiyaa, sida; in aad fasalo dheeri ah tagto oo kaaba wax aad dhiganayso. In aad macallin guriga ugu yeedhato iyo in aad saaxiibadaa la muraajacayso wixii aad dhigatay si joogto ah. Arimahaas ayaa lagu gaadhi karaa in natiijo wacan laga gaadho imtixaanka.

Si kastaba, waxbarashada ardaydu waa wax aad u wayn, saamayna ku yeelanaysa mustaqbalka dadka iyo dalkaba, xoog haloo eego, oo talo ururis halaga sameeyo sidii tayada waxbarasho kor loogu qaadi lahaa ardaydana waxbarasho dhaba loo siin lahaa.

SABABAHA QAAR ARDAYGU U DHACO IMTIXAANKA

1. Ardayga oo aan garanayn sidii uu ugu diyaar garoobi lahaa imtixaanka.
2. Si khaldan oo uu u diyaar garoobo.
3. Ardayga oo aan garanayn sida saxda ah ee suaasha looga jawaabo, ama isagoo suaashaba si khaldan u fahma (qarda-jeex).
4. Akhris ku filan oo aanu samayn.
Waalidka iyo macalinka ayaa ay tahay in ay labadan xaaladood midkii jira ba dareemaan, inta ay goori goor tahay na isku dayaan in ay la tacaalaan. Waa in ilmaha kalsoonida badan isku qaba, ee imtixaanka oo dhan u arka in uu fududyahay, oo si fudud na uga bixi karo, la faham siiyo in aanay sidaas ahayn, ayna tahay in aanu is dhiganin, ilmaha kalsoonidiisu hoosayso na, lagu dadaalo in la fahmo waxa taas ugu wacan, iyo sidii kalsooni loogu abuuri lahaa.

MAHAD NAQ: Mahad naqa Rabbi ka sokoow, waxaan si xooga ugu mahad naqayaa saaxiibkay, macalinkayga xaga qoraalka: Maxamed Haaruun Biixi oo talooyin badan iga siiyay qoraalkan, liana hubiyay sax-nimadiisa.

W/Q: Khalil Abdirahman Mohamed.

Ankara, Turkey.

Khalil25@hotmail.co.uk

Advertisement

Ku Xayeysiiso