Aan wada Hadalo   Qaybtii 3aad  Danjire. Abdi M Saleiman (Mingiste)

              Aan wada Hadalo  

Qaybtii 3aad                                                                       02.10.2018

 (Aan wada hadalo —- waa aan heshiino).(Dadku waxay isku Afgartaan wada-hadalka—- Xayawaankuna urta)

 

Nooc kasta oo wada hadal,oo dunida ka jira, cidkasta oo wada hadlaysa ,haddii ay yihiin Dowlado—Ururo  iwm,iyo haddii wada hadalku  ku saabsan yihiin  Siyaasad,dhaqaale iyo dhaqan intaba waxaa loo qaybiyaa 3 qaybood oo kala :-Wada hadal laba geesood ah:-Noocan wada hadalka laba  geesoodka ah,waxa wada hadlaya oo keliya ,labadii dhinaca ee  ishaystay,amase arimuhu ka dhexeyeen,iyagaa si toos ah isu hor fadhiista,una wada hadla ,mana jirto cid ku wehelisa amase u dhacaysa,amase u garnaqaysaa.

 Wada hadal saddex geesood ah:-Wada hadalka saddex geesoodka ah,inta badan waxa wada hadlaya labadii dhinac ee arimuhu ka dhexeeyeen iyo qolo kale oo u garnaqaysa,dhex dhexaadinaysa. Wada hadalka saddex geesoodka ah, marmarna waxaa wada hadla saddex  dhinac oo ay ka dhexeyaan arimo u gaar ah ,siyaasad,dhaqan iyo dhaqaale noocii ay doonaanba ha noqdeene.

 

 Wada hadal dhinacyo badan ah:- Wada hadalka noocan ah,inta badan waxaa lagaga hadlaa  amase lagu xaliyaa arimo waaweyn oo soo wajaha Dunida aynu ku nool nahay,kuwo u gaar ah Qaaradaha  dunida  iyo qaar u gaar ah gobolada Aduunka. Wada hadalka noocan ahi,waxay inta badan  ka dhacaan Golayaasha Urururada Caalamka sida UN-AU- iwm. Wada hadalka saddex geesoodka ah,mar mar waa lagaga hadlaa arimo dal- dad  amase Dowlad u gaar ah,laakiin halka lagaga hadlayaa waa Gole weyne caalami ah,waxana ka qayb qaata Ururo iyo Dowlado fara bada..

 

 

ALLAA.       MAHAD       LEH

La soco qaybta 4aad  iyo Talaabooyinka loo baahan yahay wada hadalka ka hor.

Danjire. Abdi M Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

facebook. Abdi Saleiman 

Advertisement

Ku Xayeysiiso