Dhallinyarada Soomaaliyeed Ee Dilalka ka Geysta gudaha Mareykanka….

(Toggaherernews)-Dhallinyarada Soomaaliyeed Ee Dilalka ka Geysta gudaha Mareykanka….

Waxaa soo cusboonaaday dilalka ay isu gaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhaca gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, arrintaas oo walaac xooggan laga muujinayo

Bulshada ayaa lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada dhibaatadan

Labadii usbuuc ee ugu dambeysay ayaa la dilay ilaa saddex dhalinyaro Soomaali ah oo kii ugu dambeeyay uu ku geeriyooday weerar loo geystay hal habeen ka hor.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkaas ayaa si weyn uga walwalsan falalkaas oo in muddo ah laga nastay, balse hadda dib u soo laabtay, saameyn xoog lehna ku yeeshay qoysas fara badan.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa la rumeysan yahay iney intooda badan dilalka isku geystaan iyaga dhexdooda, sida uu BBC-da u sheegay Maxamuud Muuse Xassan, oo ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha bulshada Soomaalida ku nool dalka Mareykanka.

Maxamuud oo ku magac dheer naaneysta BBC ayaa isagoo u warramayay wariyaha BBC-da ee dalka Mareykanka yiri “labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa dhintay saddex dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ahaa mustaqbalkii ilmaheenna ee ifayay, dhallinyaradu intooda badan iyaga ayaa is dilaya, runtii waxaad mooddaa in arrintan ay tahay nasiib darro iyo mustaqbal xumo weyn oo soo wajahday bulshada Soomaaliyeed”.

Dhallinyarada dilalka isku geysta oo ay da’dooda u dhaxeyso 25 ilaa 30 sano ayaa sababta ay falalkaas ugu dhaqaaqaan waxaa loo aaneynayaa iney tahay isticmaalka Maandooriyaha oo ay si aad ah ula qabsadeen.

Bulshada Soomaalida ah ee ku nool magaalada Minneapolis iyo qeybaha kale ee gobolka ayaa lagu dhaliilsan yahay ineysan sidii loo baahnaa ugu istaagin wax ka qaashada dhibaatadaas.

Wax garadka iyo culumaa’udiinka ku nool gobolkaas ayaa lagu boorriyay iney u istaagaan badbaadinta da’ yarta ayna la kaashadaan laamaha amniga.

Baaritaannada Booliska waxba nooma soo kordhinayaan

Laamaha ammaanka oo dabagal ku haya dhacdooyinkaan ayaa xabsiga u taxaabay dad lala xiriirinayo arrimahaan oo ay hadda su’aalo weydiinayaan.

Maxamuud BBC ayaa sheegay in booliska ay sameeyaan baaritaanno, balse iyagu aysan baaritaannada waxba u soo kordhineynin, maadaama loo baahan yahay in xal loo helo dhibka, si loo so af jaro.

Sidoo kale dadaalka wax looga qabanayo dhibaatada ayuu sheegay in uu yahay mid qof walba looga baahanyahay inuu kaalintiisa ka qaato.

Ku dhawaad 10 sano ka hor ayay dilalka Soomaalida dhexdooda ah ku badnaayeen gudaha dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota oo ay Soomaalidu ku badan yihiin.

Hase ahaatee dadaallo badan oo la sameeyay awgood ayay dilalkaasi u yaraadeen, inkastoo hadda mar kale ay soo xoogeysanayaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso