Wasiirka Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Oo Furay Qayabo Ka Mida Jidka Isku Xidha Gobolada Togdheer Iyo Sanaag Oo Dhismihiisu Dhamaaday


 

Ceergaabo (ToggaHerer) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland C/laahi Abokor Cismaan  ayaa furay 42 KM oo ka mid ah jidka isku xidha Gobolada Togdhheer iyo Sanaag oo dhismihiisu dhamaaday, jidkaas oo dhererkiisu dhan yahay 284 KM waxa iyana hore loo dhamaystiray 94 KM shaqadan  waxaa dhisaaya oo gabi ahaanba gacanta ku haysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumirinta Jidadka oo kaashanaysa Hay’adda Horumarinta Wadooyinka Somaliland, ilaa hada lacagta ku baxday ayaa ah  22 milyan oo dollar.

Dhanka kale Wasiirka Gaadiidka iyo Waftigiisu waxa ay kormeeren qaybaha ka hadhay Wadadaasi oo hada iyana shaqo ka socoto, Wadadan  ayaa hada u dhow mid gabogabo ah oo sahlaysa isu socodka ganacsiga iyo Dadweynaha deegaamadaas.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Somaliland oo halkaasi ka hadlaya ayaa yidhi:-“iminka wajigii labaad ayeynu wadnaa , waxaan rajaynayaa  wijiga labaad  40 KM iyo afartaa bilood ee inoo hadhay I uu ilahay inagu guulayan doono waxanan ku kalsoonahay tiimkan meesha jooga shaqadooda iyo xilkasnimadooda aad iyo aad ayaan ugu kalsoonahay, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay iyadoo duruufo badani jiraan, aniguna itaalkayga waanu idiin balan qaadaynaa wixii aanu idinla qaban karno ama ha noqoto “Promotion” ama ha noqoto ka warhayan”

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Khabiiradii dhisaayey Wadadaasi, Maamulka Gobolka Sanaag, Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qaranka, iyo Booliska Somaliland oo dhamaantood ku dheeraaday dadaalka Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adda Horuumarinta Wadooyinka, iyo sida ay Wadadani muhiimada ugu leedahay dadweynaha labada Gobol iyo Somaliland inteeda kaleba.

Ugu danbayantii Waftiga Wasiirka oo lagu soo dhaweeyay Degmada Ceel Afweyn, ayaa halkaasi kula hadlay dadweynaha, waxaanu u sheegay in qorshahoodu  yahay in ay dhismaha Wadada isku xidha Gobolada Togdheer iyo Sanaag soo gabogaabayndoonaan Sanadka 2019.

hoos ka daawo warkan oo muuqaal ah 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso