Odayaasha iyo haldoorka Bariga Magaalada London ee Caasimadda Ingiriiska ayaa soo dhawayn iyo martiqaad u sameeyey Xildhibaan Bidhi

 

London- Waxaa shalay oo ya taariikhdu kubeegnay 22/09/2018 . Ka Qabsoomay Xaafada White-Chapel Ee Bariga Magaalada London Kullan Casho Sharaf Oo Isugu Jirta Soo Dhaweyn Iyo Xog-Waraysi, Taas Oo Ay Soo Agaasimeen Xubno Ka Midda Odayaasha Iyo Madaxda Kulmiye Uk Ee Magaalada London. 

Kullankaasi Waxaa Lagu Furay Duco Iyo Xusida Illaahay. Intaas Kadib, Waxaa Hadallo Isugu Jira Soo Dhaweyn Iyo Guud-marid Waxa uu Kullanku Ku Saabsanyahay Halkaasi Ka Soo Jeediyey xubno isugu jiray Odayaal, Aqoonyahan,Siyaasiyiin iyo Madaxda Xisbiga Kulmiye Uk. oo Ay ka mid yihiin: Sida Gudoomiyaha Guddida Horseed dalka uk Maxamed Cali Bilaal, Oday Faarax Xasan Jagax, Xoghayaha Guddida Mus-danbedka Xisbiga Kulmiye Uk Md. Salebaan Carablow,  Gud. Xisbiga Kulmiye East London Siicid X Xasan, Afhayenka Kulmiye East London Cabdixakin Cawil. Xidhiidhiyaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Uk Jaamac Cali Muuse ., Afhayeenka Guddida Horseed Cali Cabdi..Madaxa Qabanqabada Kulanka Siyaasi: Cabdiqadir Maxamuud Guudcade, Aqoonyahan Dahir Cabdi Jamac iyo Xubna Badan

Waxaa Isaguna halkaasi Hadalo Kooban Goobta Ka Sheegay Gudoomiye Ku Xigeenka Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee Uk md. Maxamed Cabdilaahi (Axda) Oo Dhowaan Ka soo Noqday Wadanka, isagoo gudoomiyihu warbixin kooban ka bixiyey xaaladda dalka iyo waxa xisbi ahaan uga qorshaysan doorashooyinka barlamaanka iyo degaanka ee soo socota iyo doorka qurba-jooga. 

Xildhibaan Bidhi halkaasi ka hadlay , Ayaa isaguna dhankiisa uga mahadnaqay xubnaha odayaasha Iyo Madaxda Xisbiga Kulmiye magaalada London ee martiqaadka iyo soo dhawaynta ay u sameeyeen,Isagoo xog-waran dheer goobta ka soo jeediyey oo Ku Saabsan guud ahaan Xaalada wadankii,Xildhibaan Bidhi oo isagu dhawaan ka yimi wadankii. isla-markaana Sheegay in uu ku farxansanyahay in ay qurba-jooga iyo xisbul xaakimka Kulmiye-ba yeeshaan, kulamo ay ku kala warqaataan iskuna dhafsadaan wixii xog iyo tallo si looga dhabeeyo himiladda xisbul xaakimka Kulmiye ee doorashooyinka soo socota. 

Suldaan Ibrahin Daldal Ayaa geba-gebadii kulanka soo afmeeray isagoo aad iyo aad ugu mahad celiyey Jaaliyada Horseed Uk iyo madaxda Xisbiga , Wuxuu suldaanku hadalkiisii ku soo gunaanaday mahad gaara u naqay Xildhibaan Mubaarik Yusuf Cilmi (Bidhi) iyo soo dhaweynta balaadhan ee loogu sameeyey magaalada London. 

Ugu danbeyn: Waxaa shirka fadhiyay qaar badan ka mid ah Odayaasha iyo haldoorka Bariga Magaalada London: Sida Ciise Idigaa. Cabdirashid M Baaxer, Xasan Cismaan, Aqoonyahan Xasan Fadhiyare iyo Mustafe Cabdi Wadad, Siyaasi Yuusuf Googooye  iyo Cheif Caqil Saleeban Nugaal, Abwaan Sidiq Awfarax Iyadoo halkaasi mahadnaq  balaadhan looga soo jeediyey xubnihi qiimaha badnaa ee suurta-geliyey kulanka qiimaha badan, .Waana kuwan xubnihii soo qabanqaabiyey Md. Saleban Carablow  Md. Cabdiqadir Maxamuud Guudcade iyo Md. Cabdixakin Cawil

Isku soo wada duuboo kulanka Ayaa ku dhamaaday jawi is afgarad iyo farxad lagu kala hooyday, waxaana halkaa Lagu soo gunaanaday duco aad u qiimo badnayd.

Advertisement

Ku Xayeysiiso