Beri Maanta Dhaanta Been Soo MayNoqon

Sidda caadada ah marka loolanka siyaasada Wakhtiyada ololaha doorashada Waxa uu musharax kastaa samaystaa kalmado ama weedho uu hadal-hays ka dhigto sidoo kale uu ku xardhaa taswiiraha uu ku hirdamaayo Una noqda kalmado koobaaya Waxa uu keenaayo ee laga filanaayo haduu guusha hanto.

Hadaba sida lawada ogseenyey doorashadii ugu danbeeyey ee ka dhacay Jamhuuriyada Somaliland ayaa Mudane Muuse Biixi Cabdi Waxa laga hayaa BERI MAANTA DHAANTA!!.

Taas oo runtii meel kaga dhac ku ahayd xisbigii uu ka sharaxnaa oo talada dalka hayey waayo wuxuu bayaamiyey in kulmiye aanu waxba qaban ee isagu wax qaban doono oo uu dhaami doono, sidoo kalena Gef Bay ku ahayd Madaxweynihii xilka hayey Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waayo waa ruug cadaagii u macalinka ahaa ee uu qiraayey markuu gudoomiyaha Kulmiye ku wareejinaayey kuna sheegey Macalinkiisii sidaa awgeed ardey inuu yidhaa anaa dhaamaaya macalinkayga waa wax aan haboonayn oo sharaf dhac ah.

Sikastaba ha ahaatee Mudane Muuse Biixi Waxa uu ku baanay beri markuu yimaado inuu dhaami doono maanta waa wakhtigii markaa uu madaxweynaha ahaa Mudane Axmed Siilaanyo se ma dhaamaa? Waa Maya! Waayo intii uu xilka qabtay Mudane Muuse Biixi cadaalad daro, Sixir barar, Xatooyo, qaraabokiil, kala qaybsanaan, dowlad xumo, is xulafaysi iyo midnimadii qaranimo oo meesha ka baxday iyo cabasho laga cabanaayo maamul iyo masuul.

Taas oo kalifay in naftooda hurayaashii qaranku lahaa quus ka istaagaan oo madax garbo-cas oo miisaan lihi ka dhiidhiyaan cadaalad darada dalka ka jirta Duurkana u galaan Taas oo intii jamhuuriyada Somaliland jirtay aan hore u dhicin, Markaa Beri Maanta Dhaanta dii Muuse uu ku Baani jiray been Sawmay noqon.

Ilaahay baa mahadleh

Midnimana Somaliland.

Qalinkii Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso