Agaasimaha Waaxda Fayadhawrka Deegaanka Ee Wasaarada Ganacsiga ,Werhadaha Iyo Dalxiiska Oo Soo Afmeeray Kormeerka Wershadaha Gobolka Maroodi Jeex

 

Hargaysa( ToggaHerer ) Agaasimaha Waaxda Fayadhoowrka Deegaanka Ee Wasaarada Wershadaha iyo Ganacsiga Ayaa Maanta si rasmi ah usoo Afmeeray Kormeer Balaadhan oo uu Ku Gaala Bixinayay Maalmihii u Danbeeyey Dhamaanba Wershadaha Ganacsi ee gaarka loo leeyahay kuna Yaala Gudaha Magaalada Hargaysa Gaar ahaana Gobolka Maroodi jeex

Agaasimaha Ayaa Maanta Kormeerkiisa kusoo Gunaanaday Labada Wershadood ee Kala ah Wershada Soo Saarta Waraaqaha iyo Buugaagta Wax lagu Qorto ee AADCO Iyo Wershada Soo Saarta Sharaabka iyo Biyaha ee SBI Taasi oo lagu soo kordhiyay ayna ku lamaan tahay Wershada Caanaha ee LIS

Dhuux Cabdilaahi Oo Ah Agaasimaha Waaxdan Kormeerka ayaa Ka warbixiyay Faaiidada uu Kormeerkan iyo Indho Indhayntani u Leedahay Fayadhowrka deegaanka ee Wershadahani Maadaama Ay Ku shaqeeyaan  Kiimiko Waxaana uu yidhi Isagoo Ka hadlaya Sidan.

“ Waxaanu Maanta soo Afmeeraynaa Kormeerkii Ay Wasaarada ganacsiga,Wershadaha Iyo Dalxiisku Ku Samaynaysay Dhamaanba wershadaha Gobolka Maroodi jeex waxaanuna Maalmaha soo socda u gudbi doonaa Gobolada Kale ee Dalka waxaanuna ka bilaabi doonaa  Gobolka Gabiley iyo Gobolka Awdal,gobolka saaxil,Gobolka Togdheer iyo Dhamaanba Dalka Meeshii kasta ee ay Wershadi ka Istaadhan Tahay,Waxaana na raaci doona Marka gobolada loo Baxaayo Agaasimaha Guud ee Wasaarada iyo cidii kale ee aanu Kormeerku ka maarmi doonin “ Intaasi Ayuu Yidhi Agaasime Dhuux

Agaaimaha Waaxda fayadhowrka Deegaanka ee Wasaarada Ganacsiga,Wershadaha iyo Dalxiisku isagoo hadalkiisa sii Wata waxaa uu intaasi ku Daray in Dhamaanba wershadaha ay kormeerayaan Ay Ka buuxin doonaan Form Cadaynaya Sida Ay u ilaalin doonaan Fayadhowrka iyo Bedqabka deegaanka maadaama ay ku Shaqeeyaan Daawooyin Kiimiko Ah Waxaana uu Yidhi isagoo markale Arintaasi Inooga Warbixinaaya Sidan.

“ Dhamaanba waxaan wershadlayda dalka ku baraarujinayaa Kormeerkani Waa Kormeer Xoojin Ah Waxaana la Samayn Doonaa Afartii Biloodba Hal Mar Wershadahana kuwii aanu soo marnay ee aanu Talo bixin ka siinay ee aanu ku Aragnay West Management-ga oo aan hagaagsanayn iyo waxyaabihii ay ku hayeen fayadhoowrka deegaanka foom Cadna waanu ka buuxinay waxaanuna ku daba geli doonaa wershad kasta Formkaas aanu Ka buuxinay afartii biloodba wixii kusoo kordhay ama iska bedelay sidii aanu ku ogayn “ Intaasi Ayy Hadalkisa kusoo Afmeeray Agaasimaha Waaxda Fayadhowrka Deegaanka ee Wasaarada Ganacsiga,Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland oo Maalmihii u danbeeyey Socdaal Shaqo oo Kormeero Ah ku Tagayay Dhamaanba Wershadaha Ka Shaqeeya Gobolka Maroodi jeex.

Dhinaca Kale Ilaa Hada Ma jiraan haba yaraatee Caqabado Ka Hor yimi Agaaimaha Waaxda fayadhowrka Deegaanka ee Wasaarada Ganacsiga,Wershadaha iyo Dalxiiska oo ku Aadan Wershadaha uu u Kuur galayay Shaqadooda Waxaana Dhamaanba masuuliyiinta iyo Maamulka Wershadahu kusoo Dhoweeyeen gacmo furan Iyagoo Balan qaaday inay U Hogaansami doonaan Awaamiirta Wasaarada Ee Fayadhowrka Deegaanka

Intii Kormeerkani Soconaayay Wershadaha uu Kormeeray Masuulkani Ayaa iskugu Jira qaar Soo Saara Badeecado kala Gedisan Waxaana Ka Mid Ah  Wershada Soo Saarta Waraaqaha Iyo Buugaagta ee AADCO ,Wershada Soo Saarta Biyaha,Sharaabka Iyo Caanaha LIS ee SBI,Wershada Soo Saarta Bacda ee loo yaqaan Somaliland Plastic Factory,Wershada Soo Saarta Sharaabka ee ILA TANGO,Wershada Biyaha ee SAMSAM FACTORY,iyo Wershada Biyaha ee SAXANSAXO WATER

Advertisement

Ku Xayeysiiso