Maxkamadda ICC Oo Baaraysa Dad Muslimiin Ah Oo La Dhibaateeyay…

Myanmar(Toggaherernews)-Maxkamadda ICC Oo Baaraysa Dad Muslimiin Ah Oo La Dhibaateeyay…

MyanmarMaxkamadda Caalamig ah ee Dambiyada ee magaceeda loo soo gaabiyoICC ayaa furtay baaritaan hordhac ah oo ku saabsan eedaymaha sheegaya in dambiyo dagaal loo gaystay Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya.

Tallaabadan ayaa laga yaabaa in ay waddada u xaarto baaritaan buuxa oo lagu sameeyo hawlgalkii miltari ee sababay in kumannaanka ruux la dilo, 700,000 oo ruux oo kalana ay barakacaan.

Myanmar ayaa bishii hore diiday warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay oo ku baaqday in baaritaan xasuuq lagu sameeyo qaar ka mid ah masuuliyiinta milatarigooda.

Ciidammada ayaa horay u sheegay in aysan gaf gaysanin intii ay socdeen mashaakilka Rohingya.

Si kastbaha ha ahaatee warbixintaas uu milatarigu soo saaray waxaa aad u dhaliilay qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha, waxayna ku tilmaameen “qiiq isku qarin”.

Milatariga Myanmar ayaa hawlgallo ku bartilmaameedsaday gobolka Rakhine sannadkii hore, ka dib markii malayshiyo qawmiyadda Rohingya ah weerareen xarumo booliis askarna laayeen.

Intaas wixii ka dambeeyayna boqolaal kun oo ruux ayaa u firxaday dalka Bangladesh.

Eedaymo culculus oo aadanaha ka dhan ah ayaa la soo jeediyay waxaana ku jira dil arxan darro ah, kufsi iyo dhul lagubayay sannado badan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso