Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah UCid Eng-Faysal Cali Waraabe Oo Qado Sharaf U Sameeyay Fanaanadda Farxiya Fiska

(Toggaherernews)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah UCid Eng-Faysal Cali Waraabe Oo Qado Sharaf U Sameeyay Fanaanadda Farxiya Fiska…

Kalunkaasi qado sharafta ahaa ayaa waxaa goobjoog ku ahaa masuuliyiinta sarsare ee cisbigaasi mucaaridka ucid ah oo uu ka mid ahaa cabdiqani ibraahim salaf kabtanka ,xubno k mid ahaa fanaaniinta xigaha geesta iyomarti sharaf kale oo lagu soo  casuumay kulankaasi.

Gudoomiyaha xisbigaasi mucaaridka ucid Eng- faysal cali waraabe oo kulankaasi qado sharafta ahaa hadal kooban ka  jeediyey ayaa hadalkiisa idan ku bilaabay:

(Waa qaranka somalia oo qofka kaliya ee soo siyaartay qaranka somaliland waana in la maamuusaa oo iyaduna intaasi in ka badan ayey leedahay dalka iyo dadkan reer somaliland waxaa lagu yaqaanay marti soor farxiya fiskana waxaanu ka dhigaynaa ambaasatoorka ugu weyn oo ambassatoorka somalia ayey noqonaysaa oo dadkakasoo raadioo waxaad tidhaahdaa yeynaan isku habsaamine oo geeska aynu kala soconee isbadelkee idinkaa ubaahan somalia ayaau baahan in loo hiiliyee  saddex iyo labaatan kun oo ciidan ayaa jooga ee shan madaxweyne ayaa jira  ,gaalkacayo ayaba kala qaybsan iyadaa gacan u baahan anagaa gacan  siinayna insha allaahu tacaalaa in aanu kililka shanaadna hagaajino ooaanu ka dhigno meel somali leedahay oo  itoobiya ay la qaybsadaan xuquuqdooda ka helaan.

Dhinaca  kalena Xogahayaha xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka Ee xisbiga Ucid Cabdiqani ibraahim salaf (kabtanka) Oo goobtaasi hadal kooban kajeeiyey ayaa sheegay in fanaaniinta yo siyaasiyiintu ay dhiirigaliyaan bulshadooda ,waxaanu xoghayuhu hadalkiisii ku bilaabay:

(Xisbi mucaaradeed oo maanta casuumay fanaaniin waxaa laga yaabaa in aad isyara weydiisaan anigu waxaan aaminsanahy xisbiyahanada ama siyaasiyiinta warbaahinta ama fanaaniintu waxaa wanaagsan in ay wax wadaagto oo inteenuba in bulshada aynu wacyigalino  jiheynta bulshada iyo shacabkaoo aynu dhiirigalino haddii ay noqonaso isbadal siyaasadeed haddiiay noqonayso jiheyn fiican intaba waynu ka wado qaybqaadanaa).

Geesta kalena farxiya Axmed cadaawe (farxiya fiska ) ayaa ka mahadnaqday qado sharaftaasi ay masuuliyiinta sarsare ee xsbi mucaaridka ucid ay ku maamuuseen fanaanadaasi,iyadoo kulankaasi uu ku soo xihmay jawi is afgarad iyo dhoolo cadeyn ,syaasyiintii goobtaasi ka hadasheyna hadalo duur xul iyo kaftan u badnaa ay goobtaasi ay ka jeedinaayeen.

Diyaarinta -Mr (Ayuubi).

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso