Duufaanta Florence Ee Dalka Maraykanka Oo “Nolosha Sii Adkaynaysa”

(Toggaherernews)-Duufaanta Florence Ee Dalka Maraykanka Oo “Nolosha Sii Adkaynaysa”

“Halista nololeed ee ka dhalanaysa duufaanta Florence ayaa sare u sii kacaysa” sida uu ka digay barasaabka gobolka North Carolina, Roy Cooper.

Isaga oo saxaafadda la hadlay ayuu sheegay in dadku ka baaqsadaan in ay wadooyinka maraan, maadaama ay daadadku sii faafayaan.

Inkastoo ay sii yaraanayso awoodda duufaanta Florence ee xeebaha ku dhufatay Jimcihii haddana roobab mahiigaanno ah ayaa ka dhashay waxayna ku sii wajahan yihiin North iyo South Carolina.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay dhacdooyinka duufaanta la xiriira, toban dadkaas ka mid ah waxay ku dhinteen North Carolina halka shan kalana ay ku dhinteen South Carolina.

Dabayl tartiib u socota ayaa ku sii jeedda galbeedka balse waxay u jeedsan doontaa dhanka waqooyiga ee Ohio.

Florence oo billaabatay iyadoo duufaan ah ayaa hadda hoos u dhacday sida ay Axaddii shaacisay Xarunta Qaran ee Duufaannada, balse daadadka iyo wabiyada karkaarrada goosanaya ayaa saamayn baaxad leh ka sii gaysan doona qaybo badan oo gobollada Carolina.

Dabaylaha ayaa ku socda 55km saacaddiiba sida ay sheegtay waadxa qaran ee duufaanta dalka Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo NHC.

Cooper oo xogtii u dambaysay dhiibaya ayaa sheegay “in gobolka North Carolina uu hadda wajahayo halista ugu badnayd”.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso